Howlgal laga sameeyay Jowhar oo lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay

by admin | Monday, Dec 22, 2014

Jowhar : HN :–Ciidammada nabad-galyada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa howlgallo ay xalay xaafadaha degmadaas ka sameeyeen waxay kusoo qab-qabteen in ka badan 40-qof oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lala xiriirinayo ku lug lahaashaha falal amni-darro ah.

Ciidamada ayaa howlgalka bilaabay kaddib markii xalay uu qarax bambaano ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah afarta xaafadood ee degmadaas ay ka kooban tahay, waxayna ciidamadu baadi-goob ugu jiraan kooxo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha booliiska degmada Jowhar ayaa sheegaya in lagu soo qab-qabtay dadkan howlgallo laJowhar-4 sameeyay, haatanna baaritaannadoodu ay ka socdaan saldhigga booliiska Jowhar, iyagoo xusay in qaarkood saaka la sii-daayay kaddib markii wax dambi ah lagu waayay.

Sidoo kale, waxaa jiray warar ay dhawaanahan sheegayaan saraakiisha kala duwan ee booliiska degmada Jowhar, kuwaasoo ku saabsan inay degmadaas soo galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana baaritaano lagu sameeyaa gaadiidka isaga kala goosha Jowhar iyo deegaanada ku dhow.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinayay howlgalada xilliyada habeenkii ay ciidamada amnigu ka sameeyaan xaafadaha Jowhar, kaasoo hakad-geliya dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaaladaas.

Si kastaba ha ahaatee, habeennadii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay xaafada Hanti-wadaag weerarro bambaano ah, inkastoo aanay jirin khasaarooyin ay geysteen, hase yeeshee waxaa lala eeganayay gaadiidka ciidanka milateriga ee degmadaas ku sugan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!