Howlgal tiro dad ah lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo

by Somali | Friday, Feb 22, 2013 | 17 views

Kismaay15 Kismaayo : HN :  Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in howlgal lagu soo qab-qabtay tiro dad ah ay halkaa ka sameeyeen ciidamada Raaskanbooni iyo kuwa Kenya.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan howlgalka oo ahaa mid saameyn ku yeeshay dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo in lagu soo qab qabtay in ka badan 50 ruux oo u badnaa dhalinyarro kuwaasoo la sheegay in lagu tuhusan yahay falal amaan darro.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay ciidamada howlgalka sameeynayay lagu arkayay guud ahaan xaafaddaha magaalada Kismaayo, iyaga oo xitaa mar marka qaar guryaha gudaha  u galaya.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayay falalka amaan darro iyo waliba dilalka dad rayidka ah lagula kaco, waxaana ay sheegeen maamulka magaalada Kismayo in ay wax badan ka qaban doonaan nabad-galyada magaalada.

Howlgalada ciidamada ay ka sameynayaa magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xili la wado qaban qaabada shir balaaran oo la filayo in lagu qabto magaalada Kismaayo, kaasoo looga arinsanayo dhismaha maamul gobolleedka Jubbaland.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!