Howlgal tiro dad ah lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyay magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, May 3, 2015

Muqdisho : HN :–Howlgal oo ahaa mid saf ballaaran ah oo laga sameeyay xaafaddaha qaar magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadda jir ah u fuliyay ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Howlgalka oo bilowday 2:00 habeennimo ee xalay ayaa socday illaa saaka aroortii hore, iyadoo ciidamadu ay guryaha u baarayeen mid-mid halkaas oo ay kala soo baxayeen qofkii ay ka shakiyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo howlgalka kaddib hadlay ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka uu ahaa sidii loo u gaarsan lahaa xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ku dhuuma-naya Muqdisho.

“Sida aad ujeeddaan howlgalka waxaa iska kaashanaya ciidamada booliiska, nabad-sugidda, millateriga Somalia iyo kuwa AMISOM,Howlgallo_Muqdisho_Somalia waana howlgal loo dhan yahay oo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, baaritaannada intii uu socday 473-qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka la kala saaaray, lix qof oo keliya ayaa soo hartay, kuwasoo si weyn loogu tuhunsan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in howlgallada noocaan oo kale ah ay noqon doonaan kuwo joogto ah, isagoo shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan inta uu howlgalladu socdaan, ayna la shaqeeyaan ciidamada kal aduwan ee amniga.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa inay dul-qaataan inta uu socda howl-gallada lagu xoojinayo ammaanka; runtii shacabka ciidanka way la shaqeeyaan, waxaana mar kale ka rabnaa in dhankooda ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray afhayeenku.

Ma ahan markii ugu horreysay oo howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan Muqdisho, iyadoo howlgalladan ay imaanayaa xilli dhawaan ay dowladdu bixisay digniino ku saabsan qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!