Howlgalkii hotel Maka Al-mukarama oo goor dhaw la soo gabagabeeyay

by admin | Saturday, Mar 28, 2015

Muqdisho : HN :—Waxaa goor dhaw soo gabagaboobay howlgalkii hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaddib 15 saacadood oo ay gacanta ku hayaan hotelka xoogagga Al-shabaab oo 4:30 galibnimo ee maalintii shalay gudaha u gallay.

Saraakiisha hay’adaha amniga dowladda ayaa sheegay in ciidanka dowladda Somalia ay si rasmi ah gacanta ugu hayaan qaybaha uu Hoteelku ka kooban yahay, kooxihii weerarka soo qaaday ee ku harsnaana la dilay.

Mid ka mid ah xoogaggii weeraray hoteelka ayaa la sheegay in xalay oo dhan uu ku jiray qaybaha sare ee hoteelka halkaasoo uu ka dagalamayay, balse ay saaka toogteen ciidamada gaarka ah ee dowladda.

Ciidammo ka tirsan dowladda looguna talo-galay baaritannada miinooyinka ayaa ku jira hoteelka kuwaasoo la sheegay inay baarayaan20153276356306480958405021297680469835_ORIGINAL waxyaabo qarxa oo hoteelka ay uga tageen xoogaggii soo weeraray.

Dhinaca kale sarkaal u hadllay Al-shabaab ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen hotelka Maka Al-,mukarama uu ahaa mid qorsheysnaa, islamarkaana laga gaaray ujeedadii ay iyo dantii laga lahaa.

Sidoo kale, qaybaha uu hoteelku ka kooban yahay ayaa lagu arkayaa maydadka xoogaggii weeraray hoteelka iyo ciidmadii dowladda ee la dagaalamayay, waxaana kaloo lagu arkay dad iyaguna la toogtay intii uu howlgalku socday.

Weerarka ayaa sheegaya in wali baqdin xoog leh ka jirto gudaha hotelka ciidammadana si foojigan u barayaan dhamaanba qolalka uu ka kooban yahay hotel Maka Al-Mukarama.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!