Howlgallo baahsan oo ka soconaya degmada Wadjir ee magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Jan 19, 2015

Muqdisho : HN :–Ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya ayaa  ayaa ayaa howl-gallo ka wada xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasoo billowday xalay fiidkii socdana illaa xilligan.

Sidda wararku sheegayaan howlgalka ayaa lagu qabtay hub iyo dad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, inkastoo hay’adaha amniga aysan weli ka hadlin howlgalkaas.

“Xaafadda Buulo-xuubey, gaar ahaan dhismayaasha bangaariyada iyo sidoo kale xaafadaha ku dhow ayaa waxaa xalay lagaBaartaan_Muqdisho_Somalia billlabaay howlgallo lagu baarayo guryaha, waxaana lagu qabqabtay hub iyo dad laga shakiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii howlgalladan lagu qabtay oo saaxafadda la hadlay.

Dad ku sugan xaafadaha howlgalka lagau sameeyay ayaa sheegay in hubka la qabtay ay lahay mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala Muqdisho, welina ay mas’uuliyiinta ha’yaddaas u imaan hubkooda.

Ciidammo fara badan ayaa lagu arkayaa goobaha ay baraitaannadu ka socdaan iyadoo loo diiday dadku inay ka baxaan guryahooda, sidoo kalena la diiday inay dadku galaan xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan.

“Dadka oo dhan waa loo diiday inay guryahooda ka baxaan, xaafaddana lama soo geli karo. Qof walba gurigiisa ayuu ku jiraa, baaritaankuna weli wuu socdaa,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.

Sidoo kale, howlgalka aya si aad ah u saameeyay guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka waddada gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lagu arkayo ciidammo wata gaadiidka dagaalka.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan billlaabay howlgallo ay ka fulinayaan degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwasoo lagu sheegay inay qayb ka yihiin xoojinta amniga magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!