Howlgalo amni oo Baydhabo ka socda iyo dad badan oo la xir xiray

by Yahye | Tuesday, Jan 20, 2015

Baydhabo; HN;- Howlgallo amniga lagu sugayo oo muddo labo cisho ka socday magaalada Baydhabo ayaa lagu soo qabqabtay 190 oo qof, sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee fulinayay howlgallada.

Taliyaha booliska gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay socdaan baaritaan ay ku sameynayaan dadka lagu soo qabtay howlgallada.

Wasiirka amniga ee maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey) ayaa isaguna saxaafadda u sheegay in howlgallada ay ka dambeeyeen xog badan oo ay heleen.

Geesey ayaa ka codsaday shacabka ku nool magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo sugo nabad gelyada magaalada.

Howlgallada waxaa si wada jir ah u fulinayay ciidamo isugu jira boolis iyo nabad sugid ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!