Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo magaalada Muqdisho ka dhacay

by admin | Thursday, May 7, 2015

Muqdisho; HN;- Ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa hawlgal dad lagu qabtay xalay ka fuliyay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Af-hayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf Cismaan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawlgalka looga gollahaa in lagu adkeeyo nabadgalyada degmada.

Af-hayeenku ma sheegin tirada rasmiga ah ee dadka lagu qabtay hawl-galka, wuxuuse tilmaamay in lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin malleeshiyada Al-Shabaab, laguna samayn doono baaritaan lagu xaqiijinayo waxa ay yihiin.

Koox hubaysan ayaa shalay degmada Wadajir ku dishay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga iyo siyaasadda ee degmadaas, Cabdifitaax Barre Guure iyo askari ka tirsanaa ciidanka Booliska, waxaana mas’uuliyadda dilkaas sheegatay malleeshiyada Al-Shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!