Howlgalo lagu soo qab qabtay dad oo laga fuliyey suqa Bakaaraha

by Yahye | Tuesday, Oct 14, 2014

Muqdisho; HN;- Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa ka war bixisay howlgallo dad lagu soo qabtay oo ciidamadu ay ka sameeyaan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 15 qof oo dhallinyaro ah lagu soo qabtay howlgallada, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Afhayeenka oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in la howlgaliyay ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo dabagal ku samayn doona kooxaha falalka amni darro ka geysanaya caasimadda.

Maxamed ayaa shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Afhayeenka ayaa xusay in wasaaradda amniga ay ka tacsiyaynayso qarax labo habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!