Hub ka dhigista waa talaabo lala soo daahay, WQ; Axmed Calasow

by Yahye | Tuesday, Aug 19, 2014

Tallaabadaani waxay mudneyd in mar hore la billaabo, waxaase jirta maahmaah dheheysa ” better late than ever” in lala daaho waxay dhaantaa inaan la fulin.  Fikradda hub ka dhigista waxaa iska leh sida muuqata Wasiirka Amniga Khaliif Ereg oo ah shakhsi ku habboon in loo adeegsado howlaha cakiran ee dalka ku baahay sida amnigi oo xumaaday, siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo qas baaxad weyn ka jiro.

Horey ayaan maqaal uga qoray cinwaankiisu ahaa KHALIID A.EREG HALYEY LA HELAY (13.2.2013) berigii uu ahaa Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir, wax aqoon ah uma lahayn asaga qof ahaan, waxayna ahayd qiimeyn aan ku sameeyay hab-dhaqankiisa iyo howl-qabadkiisa, maadaama aan ku takhasusay waxa loo yaqaanno ”human behaviour analysis”.  Khaliif Ereg waa nin adadag, lehna geesinimo go’aan qaadasho, fulinta iyo taaba gelinta qorshihiisa, wuxuu u baahan yahay in la siiyo awood fulin oon xad lahayn si dalkaan looga nadiifiyo qaswadayaasha ku soo badanaaya maalinta maalinta ka dambeysa.

Hub heysasho ma ahan dembi, waxaase dhibaatadu ka taagan tahay  hubka uu qof heysan karo inta uu yahay tiro ahaan iyo taya ahaanba.  Waxaa isweydiin mudan dadka hubka iska leh sida ay ugu adeegtaan iyo kuwa ay ku aamineen ama meelaha lagu keydiyo oo khatarteeda leh. Khaliif A.Ereg waa in la siiyaa ciidamo fara badan oo  fuliya qorshaha  uu dejiyo, loona fasaxaa inuu dalka oo dhan ku baahiyo howlaha Wasaaradiisu u igman tahay.

Dadka qaar waxay leeyihiin in dadka hubka iska leh ay u heystaan inay isku daafacaan..yey iska daafacayaan?  Shabaab iyaga duullaan kuma aha.  Waa aragagixiso qofka ay rabaan ku dila si  lama filaan ah, waana sababta loogu adeegsaday erayga ARGAGIXISO oo micanihiisu yahay si aan la fileyn inay dadka wax u yeelaan.  Waxaa jira hal-ku-dheg ah NABAR AAD FILAHEYSO NAXTIN MA LEH, laakin dilalka Shabaab waa kuwo aan la fileyn oo kedis ku yimaada.

Fitno wadayaal ayaa baafinaya in hub ka dhigista loola jeedo ama loo  adeegsaday sidi iyadoo qabiil ama heyb gooni  lagu ugaarsanayo, qaarbaa waxay ku fasireen in Hawiye hubka laga guraayo si gaar ah.  Taana waxa ku adeeganaya kuwa qaran dumiska dabada ka wada.

Waxaan rabaa inaan ummadda u cadeeyo inuusan jirin magaca la yiraa HAWIYE uuna yahay eray ay wataan kuwa dano gaar ah ka leh  Hadduu jiro magacaas maxay Hawiye u taageeri waayeen dowladdi Cali Mahdi..inta jufooyin uu ka kooban yahay oo dhan iyo weliba qaar jufadiisa ahaa ayaa ka soo horjeestay..maalintaas ayaan ogaaday inuusan jirin Hawiye.

Waxaa soo raaca DAAROOD oo isagana ay dad gaar ahi ku adeegtaan, haddii kale maxaa Puntland uu madax uga noqon waayay nin aan Majeerteen ahayn?

Waxaa la yiri niman siyasiyiin ah ayaa la beegsaday marki hubka la baaraayay!!!  Kuwa lagu sheegayo siyaasi bal ha la weydiiyo inuu qeexo erayga siyaasad waxa uu yahay   ( definition of politics). Waxaan ka codsaneynaa Wasiir Ereg inuu ka sifeeyo Xamar iyo dalka intiisa kaleba kuwa ku ganbanaaya magac xisbi aan sharciyeysneyn iyo siyaasi ay moodaan inay ku helayaan xasaanad ka badbaadi karta ciqaabta ay ku muteystaan dembiyada ay dalka ka gelayaan.

Idaacada Shabeelle horey ayaan maqaal uga qoray waxayna horseed ka tahay fitnada ka socota dalka, waana in albaabada loo laabaa oo aan mar kale la maqal codkeeda..iyo weliba dadka ay u adeegto oo ay habboonaan lahayd in la soo qabto oo la shibbiyo.

Maamul goboleedayada oo dhan kuwa dhisan iyo kuwa la sugaayo waa inay hoos yimaadiin Wasaaradda Amniga ee DF.  Qoladi ku doodi jirtay federaal ayaan rabnaa waa inay oggolaadan awaamirta ka soo baxda dowladda dhexe maadaama la isla oggolaaday inay tahay federaal.  Waa in cid waliba hubka laga dhigaa iyadoon loo aaba yeelin halka ay dalka kaga taallo, difaaca dalkana waxaa loo igmaday ciidanka Xoogga dalka, cid hub culus gooni u heysan kartaana aysan jirin, waayoo hubka maanta la heysto waxa loo adegsanayaa in lagu gumaado ummadda somaliyeed ee ay qabyaaladu dilatay.

Wasiir Ereg waxaa lagaa rabaa inaad isu diyaariso dagaal aad u xun oo ay kugu soo qaadi doonaan kuwa ka ganacsada hubka oo lagu magacaabo INTERATIONAL ARMS SMUGGLERS oo Somaliya ka helay suuq aad u faa’iido badan.

Ugu dambenti waa iga talo in la saxo eray-bixinta hadda la adeegsado oo ah DOWLAD GOBOLEED waxaana habbon in loogu yero MAAMUL GOBOLEED, magaca DOWLADna waa in looisticmaalaa DOWLADDA DHEXE oo kaliya

Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Editor’s note : The author is Mr Ahmed Mohamed Addow Alasso known as (Ahmed Alasso). A political analyst whose articles are mainly intended for Somali political analysis and international relations.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!