IGAD oo ICC ugu baaqday in ay dib u dhigto dacwada Uhuru Kenyatta

by admin | Wednesday, Oct 8, 2014

Nairobi : HN :–  Iyadoo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyntta uu hortagay maxkamada danbiyada dagaalka ee ICC, ayaa laga dalbanayaa maxkamada in ay dib u dhigto dacwda loo heysto madaxweynaha.

Maxbuub Macalin xog-hayaha guud ee IGAD,  oo khudbad ka jeedinayay dhageysiga dacwadda loo haysto madaxweynaha Kenya, oo ka dhaceysa magaalada The Hague ee dalka Netherlands, ayaa ugu baaqay maxkamadda ICC in ay dib u dhigto maxkamadeynta Uhuru tan iyo inta dhammaadka xilliga madaxtinnimadiisa.

“Waxaan dhexda uga jirnaa dagaal xasaasi ah oo aan doonayno in aan uga adkaanno kooxda argagaxisada Al-Shabaab, kuna soo celineynoMahboub-Maalim ammaanka gobolka innagoo ka hor tageyna in cudurka xagjirnimada uu ku sii faafo gobolka, sidaas awgeed maxkamadda caalamiga ah waa inay aqbashaa codsigeenna, oo ay dib u dhigtaa dhageysiga dacwadda Uhuru, iyadoo tixgelineysa dagaalka calaamiga ah iyo halganka aan ugu jirno inaan nabad iyo ammaan ku soo dabbaalno gobolkeenna bariga Afrika iyo guud ahaan Geeska Afrika,” ayuu yiri Danjire Maxbuub.

Danjiraha ayaa ku ammaanay madaxweyne Uhuru sida uu u xushmeeyay sharciga iyo kala dambeynta.

Uhuru waa madaxweynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo isagoo xil haya la hor-geeyo maxkamadda, waxaana loo haystaa dambiyo la xiriira bini’aadannimada oo ka dhacay dalka Kenya sanadkii 2008.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!