IGAD oo soo dhaweysay doorashadii Axmed Madoobe

by admin | Sunday, Aug 16, 2015

Kismaayo : HN :– Wakiilka gaar ah IGAD u qaabilsan Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey oo shalay ka qeyb galay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in IGAD ay soo dhoweyneyso doorashadaas.

Danjire Afey ayaa sheegay in habka doorashada u dhacday ay aheyd mid dimoqraadi ah, isagoo u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo doortay.

“Doorashadan waxay aheyd mid hab dimoqraadi ah u dhacday, waana soo dhoweyneynaa, madaxweynaha la doortay Axmed Madoobe 640x426x2110.jpg.pagespeed.ic.WAta_8yOlUwaa u hambalyeynayaa”ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Afey ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in xoog lagu maquuniyo, isagoo u digay in cid kasta oo dooneysa inay nidaam jira carqaladeyso tallaabo laga qaadi doono sida uu yiri.

“Ciddii isku dayda in nidaam jira ay maji xaabeyso oo dhibaateyso anaga waa far fiiqeynaa, tallaabo ayaa laga qaadayaa, fowdo dambe ma ogolaaneyno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Afey.

Urur Goboleedka IGAD ayaa horay dhex dhexaadin uga ahaa wada hadaladii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka, waxaana la rumeysan yahay in geedi fadhi u ahaayeen Maamulka Axmed Madoobe, oo ay gadaal ka taageerayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!