Iiraan oo QM ugu baaqday in baaritaan lagu sameeyo shilkii ay ku geeriyoodeen xujeyda

by admin | Sunday, Sep 27, 2015

New York : HN :–Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey inay baarto sababihii dhaliyay shilkii ay ku dhinteen in ka badan todobo boqol xujey ah khamiistii, xilli ay gudanayeen waajibaadka xajka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shilkaas iyo shilalkii la midka ahaa ee horay u dhacay.29_rouhani_g_w

Eedeymaha Iiraan ayaa la leeyahay waxaa ay salka ku hayaan xurgufta siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dowladood, waxaana muuqata in dowladda Iiraan uga faa’ideysaneyso arrintaa shilkii dhawaan ka dhacay dalkaasi Sacuudiga oo ay ku nafaayeen in ka badan 700 oo xujey ah kaddib markii ay isbuurteen.

Dibadbaxyo lagu cambaareynayo dowladda Sacuudiga ayaa ka dhacay Caasimada Tehran, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ka careysan dadkii ku dhintay Isbuurashadii ka dhacday Xajka.

Tirada xujeyda ku geeriyootay dalkaasi Sacuudiga, ayaa la sheegay in ay u badnaayeen muwaadiinta ka soo jeeda dalka Iiraan oo gaaray 136 xaaji oo goobta ku geeriyootay.

Sacuudiga ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay musiibadaas ay korortay, isla markaana gaartay 769 ruux, waxaana Boqorka Sacuudiga uu amray baaritaan deg deg ah in la sameeyo.

Dalal badan oo Iiraan ugu horeyso ayaa Sacuudiga ku eedeysay sida ay u mareysay xajka sanadka iyo qaabkii uu u dhacay shilka, markii dad ka soo dhameystay sheydaan tuurka iyo dadkii kale ee ku sii jeeday ay hal wado ku kulmeen, dabadeedna ay dhacday Isbuurashada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!