Ilaa 150 askari oo ka socda midowgga Yurub oo jooga Soomaaliya

by admin | Friday, Feb 27, 2015

Nairobi  : HN :–Midowgga Yurub ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay islamarkaana qiray in ay joogaan Soomaliya ciidammo gaaray ilaa 150 askari oo ka socda midowgga Yurub.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in ilaa 150 askari ka joogaan Soomaaliya.

“Waxaa Soomaaliya ku sugan ilaa 150 askari ciidamo milateri oo ka socda Midowga Yurub, Waxay xoojnayaan tayada ciidamada Soomaaliya, waxay talo siinayaan Wasaaradda Difaaca, xerada Jaziira ayay tababaro ku siinayaan ciidamada Soomaaliya”ayuu yiri Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Ciidamada ugu badan ee howl galka la dagaalanka Burcad badeedka ay ka joogaan Soomaaliya, gaar384x216x1138.jpg.pagespeed.ic.oPtuAozErv ahaan howl galka loogu magac daray Atalanta.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in sanadka 2015 uu yahay sanadkii la gaari lahaa natiijooyinka, ka hor sanadka 2016 oo la qorsheynayo in doorasho ka dhacaan Soomaaliya.

Michele waxuu sheegay inkastoo horumaro la sameeyay, hadana ay wali taagan yihiin caqabado iyo dib u dhacyo, waxaana uu cadeeyay in sanadkan ay filayaan in Al-Shabaab laga saaro Soomaaliya.

Ciidammadan ka jooga Midowga Yurub ma aha askar dagaallanta ee waxaa ay isagu jiraan kuwo tababarro bixiya iyo la talin siiya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!