Ilaa 500 oo askari oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013 | 11 views

Recently trained members of SNA sit ahead of passing-out parade at an African Union Mission in SomaliaKampala : HN :  Maalintii Jicmaha ee shalay ayaa waxaa dalka Uganda tababar loogu soo xiray askar ka gaareysa ilaa 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii ugu danbeeyayba tababar ku qaadanayay xero ku taala dalka Uganda.

C/xakiin  Xaaji Max’uud Fiqi wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in tababarka ciidamada la siiyay yahay mid muhiim ah, gaar ahaan waxaa uu sheegay in uu la xiriiray sidii ay uga difaaci lahaayeen dadka iyo dalka cadawgga ku soo duula.

‘’Ciidamadan tababarka waa ay soo dhameysteen, waxaana filayaa in todobaadyada soo socda ay soo gaaraan gudaha dalka Soomaalia, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran,’’ ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay xoogga saari doonto dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida,  iyadoo wasaarrada gaashaandhigu ugu baaqday ardeyda soo dhameysta Jaamacadaha iyo dugsiyada sare in ay qortaan ciidamada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa marka la eego la oran karaa dagaallada ka soconaya gudaha dalka waxaa ay ka gaareen guul waaweyn iyaga oo dhul baalaran kala wareegay xoogagga Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!