Ilaa lix ruux oo u geeriyootay biyo ay cabeen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir

by admin | Thursday, Dec 11, 2014

Muqdisho : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa lix ruux ay u geeriyoodeen saacadihii aynu ka soo gudubnay biyo sidda la sheegay ay ka cabeen ceel ku yaal degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo tiro boqol ku dhowna ay la il daran yihiin.

Dadka xaafadda ah mashaqada ka dhacday ayaa sheegay in dadkan isku mar uu soo ritay xanuun loo maleynayo inuu ka dhashay biyaha ay cabeen, waxaana wararka qaar ay sheegayana in biyaha ay cabeen ay u muuqdaan kuwo sumeysnaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkan ay u dheer tahay xanuunka shubanka oo uu dhamaan dadku soo ritay, gaar ahaan dadkii cabayMuqdisho biyaha.

Waxaa la dhigay bukaannada xanuunka la ildaran Isbitaalada, waxaana qaarkood la sheegay inay yihiin kuwo aad u fuuq baxay, maadaama ay saacado ay shubmayeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ceelka ay biyaha ka cabeen dadkan oo ku yaal xaafada Juungal uu ahaa ceel dhowaan halkaas laga qoday.

Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay inuu baaritaan ku haayo waxyaabaha ay dadka cabeen iyo xaqiijinta in biyiha xaafadaas dadku isticmaalaan inuu sumeysan yahay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!