Ilaa todobo haween ah oo lagu dillay degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool

by admin | Wednesday, Dec 10, 2014

Muqqdisho : HN :– Waararka naga soo gaaraya degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay ilaa todobo haween ah siyaabo kala duwan loogu dillay degmada.

Max’ed Cadalle Xassan guddoomiyaha degmada ayaa warbaahinta u sheegay in labo ka mid ah haweenka oo ka tirsanaa ciidamada booliska degmada ay gowraceen Al-Shabaab.

“Xalay saqdii dhexe ayaa labo haween ah oo ka tirsanaa ciidmada meel ka yara baxsan degmada ka wateen rag ka tirsanaa Al-shabaab,Dagaal_dd-620x330 waana ay gowraceen,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shan kale oo haween ah uu rasaas ku furay nin askari ahaa oo qabay mid ka mid ah labadii haween ee la gowracay, waxaana uu xusay inay baaritaano wadaan.

“Haweenkan kale waxaa rasaas ku furay mid ka mid ah askarta oo qabay mid ka mid ah labadii gabdhood ee la gowracay, baaritaan ayaana wadnaa”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow.

Degmada Tiyeeglow ayaa waxaa maalin ka hor tababar ciidan loogu soo xiray boqolaal askari oo ay tababareen ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka mid ah, waxaana ciidamadaas ka mid ahaa haween.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!