Ilaalada xeebaha Talyaaniga badbaadiyay muhaajireen Africaan ah

by admin | Monday, Feb 16, 2015

Talyaaniga : HN :–Ciidammada badda dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay 2,000 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo saarnaa doomo dul-sabbeynayay 12 doon yar-yar oo ay kasoo raaceen dalka Liibiya si ay Yurub ugu gaaraan, kaddib markii xeebaha Mediterranean-ka ay ku dhinteen 300 oo tahriibe toddobaad ka hor.

Howlgalkan badbaadinta ah ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo ay ciidanka badda ee Talyaanigu sameeyaan abid waxaa ka qayb-qaatay diyaarado, maraakiib iyo doomaha dheereeya, iyadoo muhaajiriinta ay dalbadeen in la bad-baadiyo.

|Tahriibayaasha ayaa ku safrayay doomo qaarkood ay ahaayeen kuwo aaryo laga buuxiyay, waxaana laga badbaadiyay masaafoTahriibayaal_la_badbaadiyay_Italy 80-km u jirta xeebaha waqooyi ee dalka Talyaaniga.

Saxaafadda Talyaaniga ayaa baahisay in dadka tahriibka ah loo kaxeeyay xerooyin ku yaala Talyaaniga, waxayna sheegeen in muhaajiriintan intooda badan ay ahaayeen haween iyo carruur.

Tahriibayaasha ku qulqulaya dalka Talyaaniga ayaa labadii sano ee aynu ka soo gudbnay waxay ahaayeen kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo UNHCR ay ka dhawaajisay in sannadkii lasoo dhaafay oo keliya ay ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya 3,000 oo ruux oo tahriibayaal ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!