In ka badan 10 milyan oo ruux oo la sheegay in ay caalamka hoy laa’aan ku yihiin

by admin | Tuesday, Nov 4, 2014

Muqdisho : HN :–Hay’adda QM u qaabilsan dhanka Qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay billaabayso olole cusub oo muddo toban sano ah socon doona, kaasoo qorshihiisu yahay in wax looga qabto dadka aan lahayn sharciyada iyo baasaboorrada dalalka ay ku nool yihiin.

War-saxaafadeed ay soo saartay UNHCR ayaa waxay ku xustay inay maanta caalamka oo dhan ku nool yihiin dad ka badan toban milyan oo ruux oo aan haysan daryeel caafimaad, mid waxbarasho iyo xuquuq siyaasadeed.

Dadkaas waxaa ka mid ah kuwa ku dhashay xeryaha Qoxootiga dunida, iyadoo qorshahan uu yahay midkii ugu horreeyay noociisa oo ay140620084215_antonio_guterres_unhcr_512x288_ap hay’addu sheegtay inay ka billaabayso caalamka oo dhan.

Madaxa UNHCR, Antonio Guterres ayaa xusay in dowladuhu ay siiyaan dadka ku dhashay xeryaha qoxootiga iyo kuwa kaleba dhalashooyin, kuwaasoo ay ku xustay warbixinteeda inay dadkaasi yihiin kuwo aan lahayn dalal kale oo ay xukuumado ka jiraan.

Sidoo kale, Guterres wuxuu hadalkiisa ku daray in waddamo badan uu kusii yaraanayo takoorka. Isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid wanaagsan, isla markaana ka dalbaday dalalka uu weli takoorku ka jiro inay jidkaas oo kale maraan.

Warkan kasoo baxay hay’adda Qoxootiga dunida ayaa imaanaya xilli ay ku nool yihiin dalka Kenya boqolaal kun oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaas oo aan qaarkood haysan warqado aqoonsi iyo dhalashooyin ay dalkaas ku joogaan.

Hiiraan Net.140620084215_antonio_guterres_unhcr_512x288_ap

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!