In ka badan 20 ruux oo ku dhimatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

by wadani | Saturday, Nov 26, 2016

Muqdisho :HN :– Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo wararkii ugu danbeeyay ee na soo gaaraya sheegayaan in ay ku dhinteen tiro ka badan 20 ruux oo u badan shacabkii ku sugnaa suuqa beerta Afasiyooni ee uu qaraxu ka dhacay.

Goobta suuqa ee la qarxiyay oo siweyn u mashuul badneyd waqtiga uu qaraxa dhacay ayaa ilaa iyo hadda laga soo saarayaa meydadka dad rayid ah ku hoos jira dhimayaasha goobta ku dumay iyo badeecadii kala duwaneyd ee suuqa lagu iibinayay oo hoostooda laga soo saarayo dad meyd ah.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkan, waxaana uu bulshada ugu baaqay in la shaqeeyaan ciidammada nabad-galyada.

Daqiiqado ka hor ayuu madaxweynuhu maray goobta uu qaraxa ka dhacay, isaga oo ka qeyb-galay munaasabada furitaanka qeybta tiknoolijiyada jaamacada Umadda.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!