IN MADAXNIMO LA SHEEGTO MA BANNAAN TAHAY? WQ: Omer Suleiman Ali

by Yahye | Tuesday, Jul 10, 2012

Ugu horrayn waxaa loo baahan yahay in iyada oo lagu hal qabsanayo kitaabka Quraanka iyo sunnadii rasuulka scw, in si cilmiyeysan looga hadlo waxa ay tahay madax noqoshadu. Madaxdu waxay la kala baxaan derejooyin kala duwan. Waxaa jira boqor, garaad, madaxweyne, taliye ciidan iyo madax kale oo hay’ado kala duwan kala xukuma. Haddaba waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo waxyaabaha ay madaxdaasi qabato. Waxaan og nahay in boqorku uu dalkiisa iyo dadkiisa uu xukumo cid ka sarraysa oo isaga xukuntaana jirin, sidaas darteed wax kasta oo uu halleeyo cidi lama hadli karto. Wuxuu iska dhaadhiciyey in uu isagu ka yahay wakiil Ilaah uuna xaq u lee yahay in uu isagu dalka iyo dadkaba xukumo. Dadka laftooda waxaa laga dhaadhciiyey fikirka noocaas ah oo waxay aaminsan yihin in haddii ay boqorka ka xoogaan boqonimada uu Alle u cadhoonayo uuna rogayo.

Boqoradii hore waxay ku noqon jireen boqor xoog ciidan mana la dooran jirin cid alla ciddii ka hor timaadana waa uu dili jiray. Sidaas darteed waxay sheegan jireen Ilaahnimo. Ma aha Fircoon oo keliya ee boqoradii barigaas jiri jiray oo dhammi way sheegan jireen in ay Ilaahyo yihiin dadkuna waa uu caabudi jiray.

Dulmigii joogtada ahaa ee ay ummadda ku hayeen iyo ilbaxnimadii la gaadhay ayay yeesheen cadaw fara badan ka dibna sidii maalinba qodob loo siibayey ayay ama ku suuleen ama ay weli sii raaq raaqayaan iyaga oo aan wax awood ah lahayn.

Ka dib waxaa bilaabantay dawlanimo iyo madaxweynenimo ama raysal wasaare oo ah mas’uulka ugu sarreeya dawladdaas. Dawladdu sidii boqoradii ayay lee yihiin ciidamo ka difaaca werarada dibadda uga imaan kara iyo booliis shacabka u midiidiya dawladda.

Madaxweynuhu wuxuu samaystaa golaha wasiirada oo ah khusuusigiisa isaga oo ku xulanaya sida ay daacad ugu kala yihiin.

Haddaba madaxnimada dadku sidee u shaqaysaa? Haddii aynu nahay Islaam waxaa haboon in aynu dhaqankeenna waafajinno kitaabka Quraanka iyo sunnadii rasuulka csw. Qofka aadamiga ahi xukunka adduunka saami ma ku lee yahay? Inta aanan jawaab ka bixin su’aashaas waxaan doonayaa in aan soo qaato awoodda dadku ku lee yahay abuurka jira.

Wuxuu Alle cj noo sheegay in aan xukunka abuurka cidi la wadaagin ee uu isagu iska lee yahay. Matal ma jiraa qof roob soo da’siin karaa? Waa maya. Ma jiraa qof awood nooc kasta ha ahaato eh leh? Waa maya. Waxaa qaofku uu lee yahay wixii aanay cidi siinin ee uu isagu samaystay. Ma waxaa jira cid adduunkan wax ku darsatay? Waa maya. Bal ruuxii akhriya maqaalkan ee is dhaha waa qaladan yahay wax uu qofku awoodo ha noo sheego.

يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ(الحج 73).

Macnaha aayaddu waa sidatan:

Dadkaw waa la idiin soo maah-maahayaa ee dhegaysta, kuwa aad meeshii Alle ka baryeysaan haddii ay isu wada bahaystaan ma abuuri karaan duqsi, haddii duqsigu wax ka dafana taag daradooda awgeed kama soo ridan karaan, sidaas darteed kan wax dafay iyo kan laga dafay ma kala taag roona.

Waxaan aayaddaas u soo qaatay in aad garataan in uusan dadku wax awood ah ku lahayn adduunka. Haddii aad u malaynaysaan in uu qofku awood lee yahay ma laha, waxaa la dhihi karaa qofku wuu xocdaa, laakiin Alle ayaa socodsiiyey ee isagu Alle la’aantiis ma socon karo, waxaan uga jeedaa isagu socodka ma abuuran. Wuxuu Alle dhahay wax kasta oo aad adduunkan doontaan aniga ayaa idiin dooray markii hore, sidaas darteed haddii aynu wax cunno, soconno, hadalno iwm Alle ayaa ku mahadsan in uu intaasba isagu noo suurto geliyey ee aynaan la’aantiis intaas la nimaadneen. وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا(ألإنسان 30).

Waxaa madaxnimo sheegan kara ciddii dadka ay madaxda u yihiin wax u haysa oo siisa, ma jiro qof qof kale wax loogu dhiibay oo u haysaa. Sidaas darteed in uu qof dad xukumo waa xaaraan. Wuxuu Alle cj kitaabkiisa kariimka ah noogu sheegay gaar ahaan aayadda

اللَّهُ وَلِيُّ الَّذِينَ ءَامَنُوا يُخْرِجُهُمْ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ وَالَّذِينَ كَفَرُوا أَوْلِيَاؤُهُمُ الطَّاغُوتُ يُخْرِجُونَهُمْ مِنَ النُّورِ إِلَى الظُّلُمَاتِ أُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ(257).

Aayaddan macnaheedu waa sidatan:

Alle ayaa dadka xaqa rumaysan madax u ah wuxuuna ka saaraa mugdiyada aqoon la’aaneed wuxuuna u saaraa iftiin wax lagu kala arkayo, kuwa gaalada ahna waxaa madax u ah shaydaan wuxuuna ka damiyaa ilayskii markaas ayuu mugdi aan ka bax lahayn geliyaa waxayna kuwaas ka mid noqonayaan kuwa geli doona cadaabta kuna waaraya.

Haddaba shaydaanka maxaa loola jeedaa? Waxaa loola jeedaa wax alla wixii aan Alle ahayn, dad iyo duunyaba. Marka aayaddaas ayaa si cad noo tusaysa in uusan qofku xaq u lahayn in uu Alle la wadaago xukunka abuurka.

Waxaan kale oo doonayaa in aan wax yar ka sheego dagaalkii Uxud. Dagaalkaas wuxuu rasuulku meel fadhiisiyey ciidan wuxuuna amar ku siiyey in aanay meeshaas ka dhaqaaqin haddii na soo jebiyo iyo haddii aannu wax jebinaba. Markii hore dagaalka waxaa lagu jebiyey gaalada, markii ay muslimiintii arkeen gaaladii oo jabtay ayaa muslimiintii qaarkood waxay ka baxeen bursashadii cadawga waxayna ku yaaceen xoolihii laga qabsaday cadawga. Raggii uu rasuulku meesha fadhiisiyeyna markii ay arkeen cadawgii oo jabay iyo muslimiintii oo xoolihii kala boobaysa ayay in yar mooyee intoodii kale xoolihii doonteen. Markaas ayaa muslimiintii lagu sameeyey dhabar jebin lana gaadhsiiyey dhibaato culus oo rasuulkii laftiisii lagu dhaawacay.

Marka muslimiintii kayaa isweydiisay maxaa naga qaldamay oo aynu u jabnay markaas ayaa Alle soo dejiyey aayadahan hoos ku xusan.

Haddii aan soo koobo macnaha saddexdan aayadood waa sidatan.

إ وَلَقَدْ صَدَقَكُمُ اللَّهُ وَعْدَهُ إِذْ تَحُسُّونَهُمْ بِإِذْنِهِ حَتَّى إِذَا فَشِلْتُمْ وَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَعَصَيْتُمْ مِنْ بَعْدِ مَا أَرَاكُمْ مَا تُحِبُّونَ مِنْكُمْ مَنْ يُرِيدُ الدُّنْيَا وَمِنْكُمْ مَنْ يُرِيدُ الْآخِرَةَ ثُمَّ صَرَفَكُمْ عَنْهُمْ لِيَبْتَلِيَكُمْ وَلَقَدْ عَفَا عَنْكُمْ وَاللَّهُ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ(152(

Intii aad cadawga Alle ku laynayseen Alle dartiis wuu idiin oofiyey ballankii uu idinka qaaday ee ahaa in uu mu’miniinta u hiilnayo. Hase yeeshee markii aad qaadashada amarka isku qabateen ee aad amarkii jebiseen markii aad aragteen xoolihii aad jeclaydeen ayaad jahaadkii ka baxdeen waayo waxaad isugu jirteen kuwo adduunyo doon ah iyo kuwo aakhiro doon ah, sidaas oo ay tahayna Alle waa idin cafiyey.

ِذْ تُصْعِدُونَ وَلَا تَلْوُونَ عَلَى أَحَدٍ وَالرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ فِي أُخْرَاكُمْ فَأَثَابَكُمْ غَمًّا بِغَمٍّ لِكَيْلَا تَحْزَنُوا عَلَى مَا فَاتَكُمْ وَلَا مَا أَصَابَكُمْ وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ(153)

Waa tii aad buur iyo berriba orodka ku jiidheen idinka oo cararaya rasuulkiina uu idinka daba qaylinayey oo idin lahaa waar soo jooga hase yeeshee aydaan dheg u jalaqsiinin cidnana dib u eegin ee aad cagaha wax daydeen, markaas ayaa waxaa idinku dhacay murugo iyo uur ku taallo aad ku illawdeen wixii xoolo idin dhaafay iyo wixii dhibaato idinku dhacday, waayo Alle loogama waayo aragsana waxyaabihii aad samaynayseen.

ثُمَّ أَنْزَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ بَعْدِ الْغَمِّ أَمَنَةً نُعَاسًا يَغْشَى طَائِفَةً مِنْكُمْ وَطَائِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ إِلَى مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ(154).

Mugugadii iyo uurku taallo ka dib wuxuu idin siiyey xasilooni markaas ayaa qaarna hurdo ledeen kuwona ku soo jeedeen in ay Alle ka cawdaan oo sidii Islaamka ka hor u fekeraan, waxayna isu sheegayeen HORTA XUKUJNKA WAX MA KU LEE NAHAY markaas ayaa Alle rasuulka amray in uu ku dhaho xukunka wax kuma lihidin ee xukunka Alle oo keliya ayaa iska leh, waxayna qarsanayeen wax aanay adiga kuu sheegayn oo ahaa haddii aannu amarka wax ku lee nahay meeha sidaas nalooguma soo laayeen, markaas ayuu Alle haddana rasuulka farayaa in uu ku dhaho HADDII AYDAAN BAXDEEN EE GURYIHIINNA AAD JOOGI LAHAYDEEN DADKII LOO QORAY IN AY MAALINKAAS KU DHINTAAN DAGAALKA WUXUU UGU IMAAN LAHAA MEESHA AY JOOGAAN …

Marka waxaad aayadahaas ka garan karaysaan in uusan dadka wax talo iyo tayo ah toona ku lahayn adduunka laakiin iyada oo uusan dadku arrinkaas garan ayuu u dhaqmaa sidii ay adduunka talo ku lee yihiin.

Dad ayaa aaminsan in beesha caalamku Soomaaliya nabad u keeni karto, Ilaah baan ku dhaartee Alle mooyee cid kale oo awood u leh in ay Soomaaliya nabad u keento ma jirto, ruuxa sidaas qabaana waa mushrik ee ha ka joogo.

Markii aad mu’min tahay ayuu Alle kuu fududaynayaa ifka iyo aakhiraba oo wax kasta oo dhibaato ah uu kaa faydayaa hase yeeshee cid aan isaga ahayn oo kaa qaadi karta dhibaato ama nabad ku siin kartaa ma jirto.

Marka ma waxaynu caabudnaa oo aynu madax ka dhigannaa wax aan dhib iyo dheef toona noo haynin? Waxaan dadka islaamka ah uga digayaa in laga waantoobo dhaqanka gaalnimada salka ku haya ee laga dhaxlay gaalada.

Sida muuqata waxaa la moodaa in dad badan maanta laga dhaadhicin karin in dawladnimadu iyo in la yeesho madax aan Alle ahayn ay tahay mushrignimo.

Dad ayaa u malaynaya in rasuulku csw iyo khulafadiiba ay iyagu dadka xukumi jireen maya dadka iyo iyagaba Alle ayaa  toos u xukumayey waayo sharciga Alle ayaa la wada fulinayey iyada oo uusan jirin booliis dadka dembiyada ka ilaaliya qofkii galana soo qabsada oo xirta, fara ka qaada ka dibna maxkamad geeya.

Shabaabta ayaa iyaguna hadda dadka ay la joogaan xukuma oo ku sandulleeya wax uusan qofkaasi raalli ka ahayn.

Qof isagu doona mooyee qof kale kuma dhibaatayn karaan jahaadkii ayuu ka hadhay, rasuulkuna cidna kuma dhibaatayn jirin haddii ay ka hadhaan.

Meel aan uga hadlo oo ii hadhay ma jirto saddexdii mu’min iyo 80kii munaafaq ee dagaalka uga hadhay rasuulka Alle ayaa ka soo saaray go’aan, rasuulku kama soo saarin haba yaraatee wax ciqaab ah ama canaan ah.

وَعَلَى الثَّلَاثَةِ الَّذِينَ خُلِّفُوا حَتَّى إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنْفُسُهُمْ وَظَنُّوا أَنْ لَا مَلْجَأَ مِنَ اللَّهِ إِلَّا إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوا إِنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ(التوبة 118).

BAAQ

Waxaan baaqan u jeedinayaa in ay culumadu arrimahan si buuxda uga hadlaan, waayo aniga dadku waxba igama qaadanayo oo ima yaqaanaan laakiin culumada la yaqaanno waa in ay arrinka ka hadlaan iyaga ayaana ka mas’uul noqonaya haddii ay dadka ku eegaan baadinimada ay ku socdaan.

 

Omer Suleiman Ali                                                                                                                                         05/07/12

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!