Injineer dhinaca dhismaha u qaabilsanaa maamulka gobolka Banaadir oo qarax lagu dillay

by admin | Tuesday, Sep 15, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax gaari loogu soo xiray nin Injineer ahaa oo qandaraasyo ka qaadan jiray maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid Injineerka gaarigiisa loogu soo xiray ayaa ka dhacay buundada Ansalooti ee Degmgaari-qaraxa-280x175ada Xamar Jajab, waxaana qaraxaasi ku dhintay Injineer Siidow Cismaan Cali oo watay gaariga la qarxiyay.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab, ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa lala eegtay nin Injineer ah , waxa uuna intaa raaciyay in uusan jirin wax qasaaro ah oo dad kale kasoo gaaray marka laga reebo dhimashada Injineerka.

Gudoomiyaha sheegay in Injineerka la bartimaameedsaday uu ka qeyb qaatay dhismooyin dhowr ah oo magaalada Muqdisho laga hergaliyay, isagoo ahaa Injineerkii dib u dhiska ku sameeyay xarrumo ay ka mid yihiin Daljirka Dahsoon, xarrunta gobolka Banaadir iyo dhismayaal kale.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay maanta Injineer Siidow Cismaan Cali, waxaa marar badan Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo lala eegtay Injineero ka howlaga Magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!