Inta badan dowladdaha reer galbeedka oo safaradahoodii Yaman albaabada u laabay

by admin | Thursday, Feb 12, 2015

Sanca : HN :–Inta badan dowladdaha reer galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay albaabada  laabeen  dalka Yaman, kaddib markii ay sii xoogeysteen rabashada dalkaasi ka taagan.

Gaar ahaan marka la eego xaalada siyaasadeed ee dalka Yaman  oo waqtigan aan aheyn mid degan, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, iyadoo xoogaga shiicada Xuutiyiinta ay awood soo saareen caasimada Sanca, halkaasoo dagaalo dhowr bil socday kadib ay xarumaha muhiimka kula wareegeen.

Safaaradaha Britain iyo Faransiiska ee magaalada Sanca ayaa si rasmi ah loo xiray, maalmo kadib markii uu Mareykanka ku dhawaaqay inuu xiray Safaaradiisa Yemen.

War si wada jir ah uga soo baxay Safaaradahan ayaa lagu sheegay in sababta loo xiray ay aheyd, kadib markii uu sii xumaadayBab-al-Yaman ammaanka dalka Yaman.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegtay in shaqaalihii safaaradda Maraykanka ee Sanca laga saaray magaalada.

Muwaadiniinta dalalka Faransiiska, Britain iyo Mareykanka ayaa looga digay in aanay u safrin dalka Yemen, waxaana loogu baaqay in kuwa jooga inay si deg deg ah uga soo baxaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed ee dalka Yemen, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah xukunka loogu soo celiyo Madaxweynihii Yemen ee is casilay Cabdal Rabuh Mansuur.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!