Iqilaab militari oo laga soo sheegayo dalka Zimbabwe

by wadani | Wednesday, Nov 15, 2017

Zimbabwe : HN :-Ciidamada Milateriga Zimbabwe ayaa la wareegay qeybo ka mid ah talada dalka, iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka taagan dalka, kaddib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu shaqada ka eryay Madaxweyne kuxigeenkiisa.

Afhayeen u hadlay Milateriga ayaa sheegay in Madaxweyne Mugabe oo xukunka hayay tan iyo iyo sanadkii 1980 uu badqabo.

Waxaa uu sheegay inay beegsanayaan dadka ku dhow dhow Mr Mugabe oo sababay dhibaatooyin bulsho iyo mid dhaqaale.

Qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Harare ayaa waxaa laga maqlayay rasaas iyo hubka culus, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sida ay wax u socdaan.

Xiisada ka taagan Zimbabweyn ayaa ka dambeysay, markii Madaxweyne Mugabe uu shaqada ka eryay Madaxweyne kuxigeenkiisa Emmerson Mnangagwaa.

Hase ahaatee xaalada ayaa ka sii dartay markii Xisbiga talada haya ay khiyaano qaran ku eedeeyeen Taliyaha Ciidamada Generaal Constantino Chiwenga, isla markaana ka soo horjeestay shaqo ka ceyrinta Madaxweyne kuxigeenka.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wali wax war ah ka soo saarin dhaq dhaqaaqyada Milateriga ka wadaan dalka, iyagoo u muuqda inay si tartiib tartiib talada ula wareegaan.

Mugabe oo 93 jir ah ayaa dalka soo xukumayay muddo 37 sano, waxaa uu ka mid yahay Madaxda Afrikaanka ee ugu xukunka dheer.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!