Iran oo Xaqiijisay in Kaluumeysato u dhashay dalkeeda Soomaliya lagu afduubtay

by admin | Thursday, May 14, 2015

Muqdisho: HN: – Tv-ga Qaranka Iran ayaa sheegay in ururka Al-shabaab aay afduubteen 14-Kaluumeysato oo saarnaa dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran, waxayna doonta qabsadeen xilli aay ku dhawaatay xeebaha Soomaliya.

Kooxdan ayaa kaluumeysatada gacanta ku dhigay kadib markii doonidii ay saarnaayeen ku dhawaatay goob ay ku xooganayeen kooxda Al-shabaab , warka ayaa waxaa wakaalada wararka ee AP u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka xeebaha Galgaduud.

Xarakada Al-shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaa’ida ayaa qaaday weeraro gudaha iyo meelo ka baxsan Soomaliya mana jirto sida warbixinta lagu yiri Hadal ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan aarintaan afduubka loo geystay shaqaalo u dhashay dalka Iran.

War laga sii daayay television Qaranka Iran ayaa shaaca looga qaaday jiritaanka afduub loo geystay shaqaalo Iranian ah, waxaana doonida Kaluumeysiga lahaa Urur kaluumeysi oo ka jira dalkaasi oo la yiraa  (Iranian fishing organization) waxaana cilad farsamo ay ku timid markii ay mareysay meel u dhow xeebta Soomaaliya.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya ee ka jira xeebaha Soomaaliya ayaa mar ahaa Qatarta amniga ee saameynta ku yeelatay caalamka laakiin weerarada shufta badeeda ayaa hoos u dhacay sanadihii ugu danbeeyay.

Hiiraan net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!