Is-rasaaseyn dhaxmartay ciidamada nabad-sugida ilaalada guddoomiyaha gobolka Banaadir

by admin | Monday, Dec 22, 2014

Muqdisho : HN :–Ciidammo a tirsan kuwa nabad-sugida Qaranka iyo ilaalada guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa is rasaaseyn waxaa ay xalay saqdii dhexe ku dhaxmartay degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan wararka is rasaaseynta ayaa ka dambeeyay markii labada ciidan ay kala shakiyeen saqdii dhexe ee xalay, iyadoo muddo daqiiqado ah ay socotay is rasaaseynta oo aheyd mid laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askariga ku geeriyooday is rasaaseynta uu ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida, halkaciidamadadowlada saddex askari kale ay ku dhaawacmeen, waxaana labo ka mid ah ay ahaayeen ilaalada gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in iska hor imaadkaas uu ku yimid kala shaki labada ciidan soo galay, inkastoo markii dambe la soo dhex galay.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!