Isbadalku ma in sicir-bararka caalamka loogu baaqaa (Faalo), WQ: C/laahi Maxamed Macalin

by Yahye | Saturday, Mar 9, 2013

LACAGMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay shir jaraaid uu qabtay wuxuu kaga hadlay xaalada dalka maraayo wuxuuna si toos ah uga hadlay arinta maalmahaan danbe lagu jahwareeray ee ku aadan hoos u dhaca qiimaha Dolarka iyo sicir bararka Maciishada, Madaxweyne Xasan hadalkiisa ayaa dad badan aad ula yaabeen waxayna sheegeen in Madaxweyne Xasan aan laga fileynin inuu dhibaatada heysata dadka reer  Muqdisho uu ugu baaqo caalamka, isagoo sheegay  in caalamka ay gargaar la soo gaaraan dadka dhibaatada heyso ee sicir bararka saameeyay.

Doodaha dadka ka dhex jira ayaa u badan in gacansatada dalka ay sideey rabaan ka yeeshaan dadka iyadoo aan u aaba yeeleynin dadkooda, mana jirto cid ay ka amar qaataan gacansatada, hadaba Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh maxay ka qaban kartaa dhibaato dadka heysato oo u baahan in si dhaqso ah wax looga qabto, waa su’aal u baahan in looga jawaabo si dagan oo xeeladeysan, Dowlada iyadaa dalka iyo dadka ka masuul ah oo wax kasto laga rabaa inay wax ka qabato, waana shaqada loo idmaday inay qabato madaxdana waxay madax ku tahayn shacabkeeda, shacabka in loo adeego oo wax kasto loo qabto waa balamahii hore loo qaaday oo lagu doortay in dalka isbadal muuqda uu ka dhacaayo, hadaba isbadalkii la doonaayay ma wuxuu noqday in maciishada isbadal ku dhaco.

Madaxda markeey ol olaha doorashada ku jiraan waxyaabo badan ayay balan qaadaan oo dadka ay aad u soo dhaweeyaan,hadane marki la doorto lagama arko waa afka baarkiisa oo kaliya, iskastoo Dowlada wax badan qabatay hadane waxaa jira meelo lama dhaafaan ah oo aan laga aamusi karin, iska daa inleyska indha tiree, dhibaato ku aadan sicir bararka ma ahan mid maalmo oo kaliya socoto ee waxay ku dhow dahay bilooyin, mudo intaas la egna in wax laga qaban waayo waa wax aan caqliga nadiifka ah aqbaleynin.

Xukuumada ayaa marki ugu horeysay ka hadashay waxayna sheegtay inay u saartay gudi heer wasiiro ah oo xal ka keenaayo hoos u dhaca dolarka, walina waa la sugayaa wasiiradi loo saaray inay wax ka qabtaan arintaas, sidoo kale Baarlamaanka ayaa soo hadal qaaday oo ka hadlay in aan loo dulqaadan karin sida ay wax u socdaan, ka hadlida marki laga soo tago wali ma heyno ficil muuqda oo la qabtay ilaa hada, hadaba yaa wax ka qabanaayo sicir bararka ma caalamka ayaa wax ka qaban kara suuqyada ku yaal Muqdisho, ma caalamka ayaa badali kara hoos u dhaca sarifka Dolarka ee Muqdisho, caalamka wuxu wax ka qaban karo waa la ogyhay iyo wuxuusan wax ka qaban karin ee wixi Dowlada u yaal yaan caalamka loogu yeerin ee wax halaga qabto.

Ugu danbeynti waxaan hadalkeyga ku soo koobaa Madaxweyne dadka adaa hogaan u ah oo masuuliyad kaa saaran tahay ee Alle hakuugu duwo inaad si dhaqso ah wax uga badasho xaalada isku cakiran ee ka taagan suuqyada Magaalada Muqdisho isla markaana aad la xisaabtanto cidi ka danbeyso dhibaato ka taagan sicir bararka, wax kasto waxaa la daaweyn karaa marki la helo meesha laga haayo ee marka hore hala ogaado meesha ay wax ka socdaan kadib daawada waa la helaa, shaqo idin taalana yaan gurmad loo wacanin ee shaqadiina sida Alle idinku ogyahay uga soo baxa. Wabilaahi Towfiiq.

W/Q C/laahi Maxamed Macalin
Naanow@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!