Isbitaal u gaar ah militariga oo laga hergaliyay magaalada Beledweyne

by wadani | Wednesday, Dec 21, 2016

Beledweyne : HN :- Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah xarigauga jaray isbitaal loogu talo galay in lagu daryeelo ciidamada xooga dalka ee gobolka Hiiraan iyago kormeeray qeybaha u ka kooban yahay isbitalkan.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jeneraal Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay in dhismaha isbitaalkan ay iska kashadeen  ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Madaxda hogaanka Caafimaadka  Ciidamada xooga dalka Liiban xuseen Cismaan ayaa amanaay sida ciidamad dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka jabuuti ay isugu xilqameen hirgalinta isbitaalkan.

Taliyaha qeybta Afraad ee Ciidamada AMISOM Maxamed Cilmi habane ayaa ku boogadiyay doorka  ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka qaateen hirgalinta isbitaalkan.

Isbitalkan loogu talo galay in lagu daryeelo ciidamada xooga dalka eegobolka Hiiraan ayaa laga hirgaliyay xerada gaaska shanaad ee lama galay ee Magalaada Baladweyne.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!