Isbitaalka degmada Buula-burte oo dib u shaqo bilaabay

by wadani | Monday, Dec 28, 2015

diini2Buula-burte : HN : — Isbitaalka degmada Buula-burte oo in ka badan todobo sano xirnaa ayaa hadda dib u bilaabay adeegyadii caafimaad ee uu bulshada siin jiray, kaddib markii ay arintaa iska kaashadeen jaaliyadda dibada ee  ka soo jeedda degmada iyo ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan degmada Buula-burte.

Yuusuf Isaaq Muumin Xagar, waa agaasimaha guud ee isbitaalka degmada Buula-burte, waxaana uu sheegay in tan iyo markii dib loo shaqo galiyay isbitaalka soo gaareen bukaano dhowr oo laga kala keenay qeybaha ay degmada ka kooban tahay iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Agaasimaha ayaa intaa ku darray in gaabis badan oo dhinac adeegyada ay bixiyaan ah uu jiro, laakiin la oran karo hadda isbitaalka ugu yaraan waa mid shaqeeya oo bukaannada soo gaaraya inta awoodiisa ah siiya adeega caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Dhaqaatiirta ka howl-gasha isbitaalka waxaa ka mid ah Dr C/raxmaan Muuse Bulaale oo ka tirsan saraakiisha ciidammada Jabuuti ee AMISOM, isaga oo sheegay in rajada isbitaalka laga qabo iyo adeegyada uu bixiyo intaba yihiin kuwo wanaagsan

Muxubo Haaray oo ah kalkaaliso caafimaad oo ku dhawaad 45 ka howl-galeysay isbitaalka, ayaa sheegtay in bukaannada ugu badan ee la soo gaarsiiyo yihiin kuwo lage keeno deegaannada miyiga ee hoostaga degmada.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha degmada Buula-burte C/siis Duuroow in ka hor inta aan la furin isbitaalka jireen dad caafimaad darro awgeed ugu geeriyooday deegaannada hoostaga degmada, hasse ahaatee wixii hadda ka danbeeya dhakhaatiirtu ku dadaali doonnaan in ay daboolaan baahiyaha  dhinaca caafimaadka ah ee jira.
din diinii diinif diini4 diini2 didi diini diini1

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!