Isbitaalka Jowhar oo la amray in la xiro

by wadani | Wednesday, Apr 19, 2017

Jowhar : HN :-Maamulka Hirshabeelle ayaa  amray in xabsiga loo taxaabay Madaxa Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad Cabdi oo ay gacanta ku hayso hay’adda Intersos ee xarunteedu tahay dalka Talyaaniga.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulaha isbitaalka Jowhar loo xirey kadib markii ay dowlada Hirshabeelle ay ku amartay in albaabada uu u laabo isbitaalka ayna joojiyaan howlaha adeega caafimaad ee ay hay’ada Intersos u hayso shacabka gobolka Sh/dhexe.a

Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa la sheegay in dhowaan ay amartay in la xiro isbitaalka balse lama oga sababta loo amray in loo xiro isbitaalka.

Isbitaalka ayaa waxaa jiifa bukaano qaba cudurka shuban biyoodka waxaana maalin walba ka qaata dawada cudurka qaaxada boqolaal bukaan ah. Sidoo kale isbitaalka magaalada Jowhar ee ay hay’ada Intersos gacanta ku hayso ayaa waxaa uu qabtaa adeegyo caafimaad iyadoo inkabadan labo boqol oo bukaano ah loogu sameeyo baaritaano caafimaad.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ee la xiriirta xirista isbitaalka magaalada Jowhar oo la furay sanadkii 1993dii, isbitaalka ayaa ah kan ugu weyn ee ka jira Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah