Ismaaciil Cumar Geelle”dastuurka dowladda federaalka qaladaad ayaa ku jira

by admin | Tuesday, Jan 6, 2015

Djabuuti : HN :– Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay sheegay in uu qaladaad badan ka buuxo dastuurka Soomaaliya, siddaa daraadeed loo baahan yahay in la saxo qaladaadkaas.

Isaga oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu ka hadlay Ismaaciil Cumar Geelle xaalada Soomaaliya iyo heshiiskii dowladda Jabuuti iyo Mucaaradka Jabuuti, isagoo xusay in heshiiskaas uu qaboojinayo xiisadii taagneyd labadii sano ee u dambeysay.

Mar la weydiiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sanadkii la soo dhaafay oo la magacaabay ra’iisul Wasaarahageele 3aad ayuu tilmaamay in dastuurka in ay wax ka qaldan yihiin ay la tahay, isla markaana ay muhiim tahay in la garto in dastuurka wax laga bedelo oo la saxo.

“Dastuurka wax inay ka qaldan yihiin ayay igu muuqataa, mar in loo fariisto oo waqti caadi ah la saxo, si aan mar walba qal qal u gekin siyaasada, wadankana waxba uma tareyso dhibaato ayay keeneysaa, wadanka sumcadiisa ayay xumeyneysaa iyo geedi socodka, in dastuurka uu u baahan yahay in dib loo eego ayay ila tahay”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay khilaafka soo noq noqday ee Madaxda dowladda.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa mudo labo sanno guheed ah waxaa uu soo magacaabay ra’iisal wasaarihii saddexaad, waxaana la leeyahay is qab qabsiga inta badan ka dhax oogma madaxda sare ee dalka waa mid salka ku haya qaladaad ku jira dastuurka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!