Ismari-waa wali ka taagan habsami u socodka shirka waddatashiga siyaasada Soomaaliya

by admin | Sunday, Sep 20, 2015

Muqdisho : HN :– Wali waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha wadda-tashiga siyaasada Soomaliya oo aan ilaa iyo hadda aan la soo gabagabeeynin, islamarkaana uu ka jiro is-mari-waa adag oo u dhaxeeya dhinacyadIB0A9564 shirka ka wadda qeyb-gallaya.

Maamulada qaarkood ayaa siweyn uga biyo diidan habka uu u socdo shirka iyo dowladda federaalka la soo shir tagtay barnaamij diyaarsan oo ay rabta kaliya in ay mariso shirka, gaar ahaan habka iyo hanaanka doorasho ee la fillayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2016 oo siweyn leysugu khilaafsan yahay.

Saacadihii danbe ee shirka marar badan hakad ayuu gallay kaddib markii ay isaga baxeen marar is xig xigtay mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeesatay sidda ay dowladda wax u waddo.

Gaar ahaan maamul gobolka Puntland, ayaa siweyn uga biyo diiday ka qeyb-galka shirka ee madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed oo loo arko in maamulka uu ku matalyo shirka uusan buuxin sharuudii dowlad gobolleedka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa siweyn ugu dadaalaya siddii ay dhinacyada isugu soo dhawaan lahaayeen, walina waxaa jira ismari-waa adag.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!