Itoobiya oo ciidammo dheerad ah u soo direysa Soomaaliya

by admin | Thursday, Feb 5, 2015

Addis Ababa : HN :–Xukuumada Itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidammo dheeraad ah u dirayso Somalia, kuwaasoo qayb ka noqonaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya ee ka midka ah AMISOM.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa sheegtay in Itoobiya ay diyaarisay 600-askari oo loogu talo-galay in la geeyo Koonfurta Somalia magaalooyin ku yaallay, halkaasoo ay dhawaan ciidamadii dalka Sierra Leone ka socda ay isaga baxeen.

Waxaa ay intaa ku dartay wakaallada in magaalooyinka ciidamada la gaynayo ay ka mid tahay degmada Kismaayo ee xarunta gobolkaCiidamada_Itoobiya_ee_ku_biiray_AMISOM_1 Jubbada Hoose iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, inkastoo aan weli la sheegin magacyadooda.

Ciidamada Itoobiya ee la geynayo Kismaayo ayaa bedeli doona ciidamadii Sierra Leone ka socday oo Soomaaliya uga baxay markii waddankooda cudurka halista ah ee Ebola laga helay, lana diiday in ciidammo kale la keeno.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah AMISOM, kana howlgala deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!