Itoobiya oo xabsiga dhigtay saddex ruux oo lala xiriirinayo argagixiso

by admin | Friday, Jan 16, 2015

Addis Ababa : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya xabsiga dhigtay labo ruux oo dhalashooda tahay British iyo qof Soomaali ah, kadib markii lagu eedeeyay isku day ay dhisi rabeen dowlad islaami ah iyo qorshayaal ay weeraro kaga fulin rabeen gudaha Itoobiya.

Warbahinta ka howlgasha dalka Itoobiya ayaa sheegtay in saddexdan ruux lagu xukumay xabsi u dhaxeysa afar ilaa todobo sano oo xarig ah

Sidoo kale Wasaarada Arrimaha Dibada UK ayaa xaqiijisay xariga labadan ruux ee heystay dhalashada British.ethiopia-flag

Saddexdan ruux ayaa lagu kala magacaabaa Ali Adros Mohamed iyo Mohamed Shariif Ahmed, kuwaasoo ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.

Qofka saddexaad ayaa lagu magacaabaa Mohamed Ahmen oo ka yimid magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Maxkamad ku taal Addis Ababa ayaa raggan ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen Kooxo Islaamiyiin ah, isla markaana hadafkooda ahaa inay Gobolka ka aas aasaan dowlad islaami la mid ah tan Daacish.

Saddexdan ruux ayaa lagu eedeeyay inay u safreen magaalada Adama oo ah Caasimada Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Maxkamada sare ee Addis Ababa ayaa dhageysatay dacwadaha loo heystay Ali Adros oo la sheegay inuu u socdaalay Kenya, si uu tababar ugu soo qaato, iyo heshiis la soo galay koox hubeysan, sidoo kale weeraro wada jir ah u fuliyaan isaga iyo iyo Jabhada OLF.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!