Itoobiya: qibladii qabbaaniyaasha oo qasan!‏ WQ: Bashiir M. Xersi

by admin | Friday, Jan 1, 2016

Dabadhilif, dayuus, damiirlaawe iyo demmane ha ka dido hadduu doonayo, oo dan ka ma lihiye, dalka aan dariska nahay, ee dabku ka billowday, ayaan dareenwarran iyo diiwaanyar idiin ka daalicine, i la dammooda qormada.

Ugu horrayn, labada dawlad, ee Soomaaliya iyo Itoobiya, is ku sanad ayey xukuumad gabeen 1990. Midkeenna waxaa ka dhacay, la ma arag iyo la ma maqal, sidii inaan geel ka la dhacaynno ayaan ku soo qamaamnay xaruntii dalka. Ma jirin qorshe aan ka ahayn, in la rido Maxamad Siyaad Barre, “AABBAHA BURBURKA” rajiimka dalka cuuryaanshay. La ma ka la roonaan, isna wuxuu dib u soo qaaday dagaal, adba dib u xasuuso: “Dagaalkii xadka iyo xawaraaha!” iyo oraahdii ahayd: “Ruug caddaagii soo rogaalceli!”dalkiina u horseedday dagaal sokeeye, intii isaga ka daba martayna dib ayey i su ruugeen!

Dhanka kale, Itoobiya, waxaad moodday, in uu dhacay is badal dabiici ah, wax walba sidii loogu talagalay ku dhaceen. Maamul meesha laga saaray iyo madax carartay, maamul cusub iyo wajiyo hor leh, sidaana lagu la ka la wareegay awooddii. Hubaal, in reer galbeed, Soomaaliya la maagganaayeen dibir xun, iyagoo mar walba niyadda ku haya dano badan, ee deegaankeenna uga xiran iyo dabcigeenna xeerin waayey.

Sida aan ognahay, sooyaalka colaadeed iyo is riixriixa siyaasadeed, ee u dhaxeeya dalkeenna iyo Itoobiya, ma aha mid billowdey, 1951 markii dhulkeenna lagu wareejiyey Itoobiya. Ma aha mid billowdey 1964 markii dagaal xudduudeedku na dhexmaray. Ma aha mid billowdey 1977. Dadka maqalkoodu yahay, 80meeyadi jabhadihii u qaxay iyo tuugadii ka shiidaal qaadaneysay, ee qabablaha iyo wadaadka xayraanka ah dhalay, waxay illowsan yihiin 1420kii, inuu socday, dagaal u dhaxeeya, saldanaddii Ifaad iyo saldanadii Minilik Amxaarada.

EithiopiaHaddaba, burburkii dhacay 1991 iyo isbedelkii laga rabey labada dal, jugtii waxay ku dhacdey Soomaaliya, waayo, askarigii Amxaarku dadka ma dilin, dalkana madfac ku ma garaacine, waa isdhiibey, halka askarigii Tigreeguna inta xirey furaha ka qaatey, balse, askarigii Soomaaligu hantidii dalka intii nafta lahayd ayuu dhacay, dalkiina gantaalo iyo madaafiic ayuu ku garaacay, dadkiina xasuuq ayuu ugu dhaqaaqay. Ogoow, in beelnimo dadka loo dilo, waxaa billaabay askarigii lebisnaa dareeska dawladda, oo dadka ku ka la soocayey, lahjad iyo magac beeleed ama deegaan, halka jabhadkiina jawaab beelaysan ka bixiyey taas.

Anagu wali sidii baan ugu jirnaa burbur iyo baaba’, in kasta, oo bilig yar iyo gaaraabidhaan ifayo, haddaba, inuu damabaaba dhici karta, haddaan ifiyaha iyo nalka la ballaarin, lagana dhigin, kaah kaahiye, iyaguse, wax badan ayaa u qabsoomay, ee ma calfan doonaan, mise, waa is ka ciidayndoonaan?.

Qalalasaaha ka billowday Itoobiya, oo ay hormuudka ka yihiin qawmiyadda Oromada, waxaa sal u ah, faragelin shisheeye iyo dulmi gudaha ku raagay, cabburin badan iyo cunaqabatayn qawmiyadaha lagu hayo. Sidii hore u dhacday, qawmiyadda Soomaalidu, ka ma muuqdaan kacdoonka ka billowday Itoobiya, ee Cabdi Ileey oo miiraan ayaa hoggaan u ah, oo har iyo habeen ku qayliya waxaan nahay Itoobiya iyo Ilaahayga Xabashi iga dhigay ayaan mahadinayaa (Gob gunnimo ku dhaadata) nin Alle ka dhigay Soomaali oo yiri; Xabashinimadaa iiga fiican, xis, xasuus, xurmad, xornimo, xigto iyo xaalin ha ka sugin! Nacasnimadu ma u dhalashaa, mise, waa u dhaqmid?.

Waagii aan yaraa, waxaa la dhihi jiray; “XAASIDSANAA, MA XABASHAA!” Hadda, waxa la is yiraa: “XABIIBSANAA, MA XABASHAA!” Alla, xaalku muxuu isrogay, waayuhuna isbadaleen, xigtadayduna doorsoontay! Goor ma ayaa XABASH noqday XABIIB, mise, noqon karaaba?.

Heehaabka heerka siyaasadda Itoobiyo marayso, waa mid dibadda laga soo waaridey, oo waxaa dabka hoos ka shidaya “KABA WEYNE” Maraykanka, oo diiddan, in Shiinuhu Tigreega u fuliyo, mashaariic badan, oo ay ku baxayso, qiyaas ahaan 400 bilyan oo dollar, dabcan, Itoobiyaanka ka lana ay ka faa’iidaysanayaan.

Maraykanku, isaga oo maalgeinta Shiinuhu ka samanaynyo, guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan, deegaannada Tigreega diiddan, ayuu Oromada, oo is ka hurudda, oo aan han dawlo iyo maamul ku jirin iyo Amxaarada, oo kursi iyo madaxnimo u ciil qabta ku yiri; socda aniga ayaa gadaal idinka taagane!

Ogoow, waa is la falkii uu Maraykanku Itoobiya ku yiri, 2006dii, markii ay dalkeenna xoogga ku soo gashaye, kuna soo xadgudubtay xuduudkeennee, ee ay markii dambe dadkeennii ku xasuuqday, hantideenniina ku burburisay. Amminkaa, Maraykanka ayaa Itoobiya, ku yiri, gal Soomaaliya, anaga ayaa gadaal kaa joognee, oo waxaa jiray xeer QM oo dhigayey, in Soomaaliya aysan geli karin waddammada dariska ah, haddana, waa la garab maray, la is kana indhaha tiray.

Duullaanka ay Itoobiya nagu soo qaadday, waxay ku heshay dhaqaalo, agab ciidan iyo taageero siyaasadeed, oo illaa sanado ka hor, waxay eheed, xulufada geeska Afrika ee reer Galbeedka. La ye: god sireed, ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide. Sidii ay shalay nooga dullaashay, ayey maanta u ka la daadan rabtaa, ee dammooda dadkegoow. Ma fiirin darisnimo, daciifnimo iyo dadnimo.

Waxa lagu haysto Itoobiya iyo kacdoonka ka billowday ka sokow, anaga maxaa dan ah, oo noogu jirta burburkeeda? Inta aanan ka warcelin, waxaan jeclaan lahaa, in aan inyar ku hormaro, kuwo ayaamahan ku cabaadayey; dhibka Itoobiya waa dhibkeenna! Yaa! Goorma ayey saa noqotay? Horta kuwa sidaa leh, afka ay ku hadlayaan, waa afkee? Yey metelaan? Hubaal, aniga, inta igu aragtida ah iyo waliba inta aragtida soomaalinnimada aamisan inaysan na metelin.

Waxaa la yiri: Kaligaa waalo wareer waaye, ha lagu la waasho wanaag waaye. Mid kale; Muddul gubtay, muddul kale ka ma naxo! Itoobiya, in ay qayb ka eheed burburka dalkeenna ka sokow, haddana, waxay qayb weyn ka eheed, sii ka la daadinta, dhismo la’aanta iyo dayaca baahan ee ka taagan dalka wali. Dabcan eedda koowaad anaga ayaa leh, haddana, ha iigu soo gabban, in aad Xabashi iyo Amxaaro iigu difaacdo anaga ayaa is dilnay! Haa, ee hubka, saanadda, agabka iyo aagga, yaa noogu deeqayey? Sawir (dabbaal) baad tahay i dheh, haddaad rabto, aniguse ma ihi, ee duruufta iyo danseegnimada ayaa i bidday, taa ayaan ku leeyahay.

In aad Xabashi burburkeeda ka naxdo, ama aad iiga dhigto wax dhib ku ah gobolka iyo geeska Afrika, waxaa ka horraysa, in aad i garansiiso, maalinta ay Itoobiya ka shaqaysay wanaagga, danteenna, may, tan gobolka. Abwaan Salaan Carrabeey, oo la hadlayey, dadka maanta Itoobiya u calaacalaya, oo kale, ayaa wuxuu yiri:

 

Hiinraaca waa lagu yaqaan, hiidda doqoneede

Hebednimada qaarkeed aday, kuu hednoqotaaye!

 

Qolyaha burburka Xabashida ka walwalsan, la ma arag, iyaga oo sidoo kale uga walwalsan, walaalaha Jabuuti, oo kaligi taliye Geelle, ma garaadsade, uu fadqalallo iyo ku abuuray fidno. Dad aan is ku sinji nahay, is ku isir nahay, ayaa dhib la soo gudboonaaday, haddana, iyaga oo sidii ay Xabashida ugu xuurtaysnaayeen u xusaya Jabuuti ma aragteen? Haddaba, ujeedka ka hadlinaya garo, in uusan ahayn, jacaylka daganaashaha gobolka, ee ay si dadban u yihiin XERTA XABASHIDA!

U fiirso, waddamada dariska la ah oo dhan, waxay ku la dhaqantay dhagar, dhib iyo dhimaal, haddana, anaga oo dhibka ugu badan ay na soo gaarsiisay, miyaa u horkacna, in aan u oynno Itoobiya? Nabee, sawirka aad sheegee, waa adiga, oo qori loo dhiibay, ee kaliya lagu yiri, orod walaalkaa soo dil, saa adoon qori sidan ayaad sidan aragtidooda gurracan u cabtaye! Magan.

Xasuuso, dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Ereteria, inta u dhexaysay 1998-2000, ee ka dhacay xadka labada dal, kana dhashay muran dhuleed, markii dambase loo xukumay Ereteria, kulan ka dhacay waddanka Algeria. Meles wuxuu is bahaysi la galay waddammada Suudaan iyo Yemen, heshiis loogu magac daray “Kulankii Sanca’” oo ujeedkiisu ahaa, sidii lagu wiiqi ahaa awoodda dawladda yare ee Ereteria. Labada dal ee Yemen iyo Suudaan ayaa marar badan wakiil uga noqday Meles arrimaha Soomaaliya. Yemen waxay gogol dhexdhexaadin ah u fidisay C/laahi Yuusuf (AABBAHA XERTA XABASHIDA) iyo Shariif Xasan “Sakiin”, kulankaa oo loogu yeeray “Kulankii Dollarka”.

Sidoo kale, dawladda Suudaan ayaa iyaduna wakiil uga ahayd shirkii ka dhacay dabayaaqadii 2006-dii, fashalka shirkaa ku yimid wuxuu ka dhignaa nal cagaaran oo Xabashi loo siiyey, sidii ay u gali lahayd waddankeenna, dabcan eedda inteeda badan waxaa is ka lahaa wadaadadii waallida waday Maxkamadihii” oo haddii aysan shuraadaha adag la iman lahayn, wax lagu heshiin lahaa, balse, ayaandarro laba sano ka dib, ayey oggolaadeen markii dalkiina la sii burburshay, dadkiina la sii xasuuqay!

Midda maangalka ah, waa arrinka la xiriirta QAXOOTIGA dalka ku soo qulqulidoona iyo tirada qaxaysa ah, ee deegaannadeenna imandoonta. Ogoow, qaxootigu maadaama aannaan ammaan adag haysan, na ma soo aadidoonaan, taas waa hubbanti, maxaa yeelay, iyaga ayaa naftooda u cabsanaya, oo xabbad ka carar, ee xabbad kale u gal, ma caqlibaa? Haddaad is leedahay, deegaannada nabadda roon, ee waqooyi iyo bari leh ayey tagayaan, ka dibna dalka ku sii faafi karaan, waxaad ogaataa, in aysan iyagu xitaa wada dabooli karin baahi iyo bedba.

Tan kale, ma ku la tahay, in ay naftooda ku soo aaminayaan, iyago oog, wixii dhacay? Nabee inaan la isaga hareyn, oo hadda waxaa laga baqayaa, maamullada gacan ku rimiska, ee ay shisteen iyo jawaasiistooda u shaqaysa ma ahane, ma in ay joogi lahaayeen ayey ku la tahay deegaannada ay joogaan? Tusaale qoyan, waxaa kuugu filan, Suuriya hadda dagaallo ayaa ka socda, u mana aysan qixin Ciraaq, ee waxay u qaxeen Turkiga, Urdun, Lubnaan iyo Sucuudiga. 70ka milyan ee ordayaa, ma wada baxayaan, ee 2da milyan, ee Tigreega ah iyo shaqaalahooda Cabdi Ileey ugu horreeyo ayaa baxaya, iyaguna waxay tegi doonaan illeyn Soomaaliya ku ma ammaan helayaane, Kenya, Suudaan iyo Ereteriya halka Jabuuti sidan filayo, irridaha ka xiran doonto. Dadka qaar ayaa qaba, haddii Itoobiya laga soo dhammaado, in Jabuuti ku xigidoonto, ee kaligi taliye Geelle, yaa u garaadcelsha?.

Midda kale, waa in jaajuus badan uu gabbalkii dhacay, godkiisna biya ugu galeen, mar haddii Gabre uu gabalkiisa dhacayo! Ma gallad ka weyn ayaa jirta, in aad aragto Gabre, oo gucleynaya, garaaddahana laga guray! Ugaarsiga, dilka iyo waxaa badanaya dhaca loo gaysanayo, taas oo keeneysa, in ay dib nooga laabtaan xitaa kuwii horey u joogay, ee dalka ku sii sugnaa ciidan iyo shacabba.

Qiblada qabbaaniyaasha, oo qub, qalac, qarax, qoorgeyn, qaac iyo qalalaase ka billowday, wadna kurkur, cabsi iyo fiig uga weyn ma jiro, oo waxa sugaya ayey ogyihiin, maadaama ay bulshadan dulman, labo dible ugu xireen Daafileey, aan damiir lahayn.

Danta noogu jirta burburkoodu wuxuu yahay, in aan garanno, meesha na laga haysto, in aysan Addis –Itoobiya iyo Nayroobi –Kenya- ahayn, ee ay yihiin xarumo kale. Midda taa ka muhimsan, waa Soomaalideenna ku dhaqan deegaanka Soomaali galbeed, diyaar ma u yihiin, in haddii ay mar labaad fursad helaan ay ka faa’iideystaan, si aysan mar walba u ahaan dad dulmi ku hoos nool?.

Danta ku jirta burburka Xabashidu wuxuu yahay, in aan ogaanno, in qalqalka na haya, qalalaasaha nagu habsaday iyo qasaaraha laxaadda leh, ee na gaaray, uusan kaliya ahayn, in aan beel beel isu diiddan nahay, oo dunida wax israba ma jiraan, ee dano iyo duriifo ayaa isu haya, qaarna waxaaba isu haya dadyow iyo dawlado kale, marka waa inaan helnaa aragti aan ku la falgalno danaha shishe, ee maalin walba, dawlad daris na la ah na loogu soo wakiisho, si aan u qaanbaxno, ka dibna aan anagu wakiil uga noqonno gobolka oo dhan.

Midda u dambaysa, anoo qormo gaar ah ku faaqidi doona, haddana, dal ay caasimaddiisu xabbad ka dhacayso, xaruntiisuna holcayso, ma mudan yahay, in uu dalkeenna nabad ilaaliye ama dhaliye ka noqdo? Ani ahaan maya.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!