Ivory Coast oo ku guuleysatay koobka Qaramada qaarada Afrika

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Cayaaraha: HN:- Xulka kubadda cagta Ivory Coast ayaa caawa ku guuleystay koobka Qaramada Afrika kadib markii uu rigooreyaal 9-8 ah kaga badiyay Xulka Ghana ciyaar ka dhacday magaalada Bata ee dalka Equatorial Guinea.

Ciyaarta ayaa ku dhammaatay gool la’aan 120 daqiiqo oo la ciyaaray, taas oo keentay in rigooreyaal lagu kala baxo finalkii toddobaad oo isku xiga oo koobkan ah.

Waa markii labaad oo ay Ivory Coast ku guuleysato koobkan, iyadoo horey 1992-kii rigooreyaal 11-10 ah kaga badisay isla dalka caawa ay ka badiyeen ee Ghana.

Herve Renard oo ah macallinka xulka Ivory Coast una dhashay dalka France, ayaa noqday macallinkii ugu horreeyay oo laba dal oo kala duwan koobkan kula guuleysta kadib markii uu 2012-kii koobkan u qaaday xulka Zambia oo rigooreyaal kaga badiyay xulka Ivory Coast.

Koobka oo aheyd markii 30-aad oo la qabto, ayaa waxaa ka qeyb-galay 16 dal, waxaana kaalinta seddexaad ka galay xulka Congo DR oo xalay rigooreyaal 4-2 ah kaga badiyay marti-geliyeyaasha Equatorial Guinea.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!