Jaaliyaadkii reer Dhanaan maxaa jilib xidhay? (WQ. Cabdirashiid Dhanaane)

by Yahye | Sunday, Apr 15, 2012

Jaaliyaadkii reer dhanaan maxaa jilib xidhay?!!!!

Qurba joogtaa reer Dhanaan ee ku kala baahsan dunida dacaladeeda ayaa ah kuwo ka gaabin haya hormarinta degmadooda iyo kor u qaadidda bulshada ay kasoo jeedaan taas oo loo anayn hayo in ay ugu wacan tahay arimo dhowr ah.

Jaliyaadka reer Dhanaan ee qurbaha ku nool ayaa ah kuwa ka liita jaliyaadka lamidka ah markii la fiiriyo jaliyaadka deeganka waxqabadka iyo kor u soo qaadida bulshadooda.

Arimaha ugu wayn ee sabab looga dhigahayo arintan in ay ku keentay jaliyadka reer Dhanaan ayaa waxaa kow ka ah isku xidh la,aanta qurba joogta reer Dhanaan kuwaas oo uu san ka dhaxaynin xidhiidh is kaashi iyo iska warqab markii laga tago nin iyo qarabadii.

Waxaa sidoo kale jirta iyadana in aysan kaba jirinba wadamo badan oo ay dhooban yihiin bulshada reer Dhanaan jaliyada ama maamul ay isugu yimadaan taas oo iyadana kamid ah waxayabaha ugu badan ee dib udhaca ku keenay jaliyaadka reer dhanaan.

Waxaa jirtay horaantii 2004-2006 kii ol ole ay horkacahayeen waxgarka qurbajoogta reer Dhanaan ee ku kala sugan dunida dacaladeeda qorshe ay doonahayeen in ay ugu dhisaan degmada Dhanaan dugsi sare taas oo akhirkii lagu guulaystay.

Hassa yeeshee dadka u dhuun duleela arimaha jaliyaadka falanqeeyana wax qabadyada qurba joogta ayaa adeeyn dusha kaga tuuray qurba joogta reer Dhanaan .

Dadka qurbaha jooga ee kasoo jeeda degmada Dhanaan ayaa ah kuwo aad u tira badan hadana tayadoodu aad u liidataa waxaana arimahaas sabab looga dhigay isku xidhnaan la,aan qurba joogta kasoo jeeda degmad Dhanaan dhaxdooda ah.

Waxay ahayd 14/3/2012 ka marki ay qaar kamid ah qurbajoogta reer Dhanaan ee ku dhaqan wadanka South Africa kuwaas oo isku dayay in ay mideeyaan dhamaan qurbajoogta reer Dhanaan ee ku sugan caalamka ay shirku qabteen wadanka S.Africa kuwaas oo kasoo saaray shirkaas qodob dhowr ahaa  waxaana  kamid ahayd in lamideeyo dhamaan qurba joogta ku abtirsata degamad dhanaan si wax logu qabto degmada iyo dadkaba.

Shirkan oo ahaa mid aad loo soo dhaweeyay ayaa laga filahayay in uu soo kordhiyo taalaabo deg deg ah oo isu keeni karta qurba joogta reer Dhanaan ee  ku kala  firidhsan caalmka.

Hassa yeeshee qaar kamid ah qurbajoogta reer Dhanaan ee ku sugan  caalamka ayaa iyagu u arkahayay shirkani in uu yahay mid kusalaysayn qabiil iyaga oo kasaluugay kasoo qaybgalin la,aanta qaar kamid ah qabaailada daga demada Dhanaan kuwaas sida shirka laga cadeeyayba loo magacabay in ay soo dumaan xubno katirsan kasoo qaybgalayaashii shirkii jaliyada reer Dhanaan ee kadhacay wadanka S. Africa.

Sida aan kumaqalay warar ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ahaa xubniihii loo xilsaray in ay isu keenaan dhamaan qurba joogta degmada Dhanaan kana dhaadhicayaa qabaa’ilada anana soo xaadirin shirkaas in ay soo fadhiistaan golaha wada xaajoodka ee lagu hormarinhayo demada Dhanaan ayaa sheegay in aysan wali dhicin mudadii bisha ahayd ee ay xubnahasi howlgalahayeen in ay kulan laqataan jaliyadka beelaha reer Wayteen iyo reer Caliwanaag kuwaas oo iyagu kamid aha qurba joogta kasoo jeeda demgada Dhanaan.

Dadka amuurahan kafaalooda ayaa kutilmaamay shirkii iyo car cartii kamuuqatay dhalinta reer Dhanaan ee kusugan wadanka S.Africa in ay lamid tahay uun ololihii 2004-2006 uun oosan wax wayn kabadali doonin kala baah sanaanta jaliyaadka reer Dhanaan.

Abdirashiid abdulahi ahmed(dhanaane)
Email dhanaane22@hotmail.com
Website www.danwaanews.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah