Jaamacada Carabta oo ku baaqday in la gargaaro qaxootiga Soomaalida iyo Yaman

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Qaahira : HN :–Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xaaladda ay ku nool yihiin ee qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, iyagoo ku baaqay in si dhaqso ah gargaar loola gaaro.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa dunida ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan qoxootiga Yemen ku nool ee Soomaalida ah, isagoo xusay inay halkaas ku haystaan xaalado adag oo dhinaca bani’aadamnimada ah., kaddib kulan uu magaalada New York kula yeeshay saraakiisha haya’adda qoxootiga caalamka ee UNCHR.

Nabiil Al-Carabi oo ka qaybgalayay shir ujeedkiisu ahaa sidii Soomaaliya loo caawin lahaa oo ay soo agaasintay hay’adda qoxootiga adduunka ayaa hadal sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ay haystaan caqabadihii ugu khatarta badan tan iyo sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay In Qaramada Midowga inuu kala hadli doono dalalka Carabta sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen2014929635475716872320057Nabiil_Al_Carabi_UJC_Xoghaye dadaallada lagu doonayo in lagu caawiyo qoxootiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inuu aad uga naxsan yahay  xaaladda ay ku nool yihiin qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku sugan.

“Waxaanu ka walaacsannahay xaaladda qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku sugan oo ka badan 250,000 oo qof, waayo dalkaas wuxuu hadda cagaha la galay qalalaase siyaasadeed iyo colaado,” ayuu Nabiil Al-Carabi ka sheegay shirka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan qoxootiga.

Ugu dambeyn, xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay in gargaar deg-deg ah lala gaaro qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku nool, iyadoo tani ay noqonayso baaqii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ay jeediso Jaamacadda Carabta.

Dalka Yemen oo dhinaca badda Cas ay Soomaaliya xuduud ka leeyihiin ayaa waxaa ku sugan qoxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo qaarkood safar dhinaca badda ah oo dhib badan ku gaaray dalkaas, iyadoo safarrada badda cas ay ku naf-waayeen kumannaan Soomaali ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!