Jaamacada Gaarisa oo dib loo furay kaddib sagaal bilood ka hor oo weerar lagu qaaday

by wadani | Monday, Jan 4, 2016

Gaarisa : HN :– Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya ayaa maanta rasmi ahaan dib loogu furay, kaddib Sagaal bilood oo ay u xirnayd Weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday bishii Abriil ee Sannadkii hore 2015-ka, kaasoo ay ku dishay 148 qof oo u badan ardaydii wax ka baranaysay Jaamcaddaas.

Howl-wadeennada jaamacadda ayaa la sheegay inay dib hawshooda u billaabeen; iyadoo ardaydii wax ka baranayay Jaamacadda la sheegay in la filayo inay dib u billaabaan Wax-barashooda maalinta Is

A member of Kenya Defense Forces secures the area of the Garissa University College in Garissa, northeastern Kenya, Friday, April 3, 2015. Al-Shabab gunmen rampaged through the university at dawn Thursday, killing 147 people in the group's deadliest attack in the East African country. (AP Photo/Khalil Senosi)

A member of Kenya Defense Forces secures the area of the Garissa University College in Garissa, northeastern Kenya, Friday, April 3, 2015. Al-Shabab gunmen rampaged through the university at dawn Thursday, killing 147 people in the group’s deadliest attack in the East African country. (AP Photo/Khalil Senosi)

niinta ah ee soo socota.

Ciidammo booliis ah ayaa la geeyay dhismaha Jaamacadda Gaarisa si ay ammaanka guud ee jaamacadda u

adkeeyaan, taasoo lagu tilmaamay inay qayb ka qaadan karto in howlaha jaamacadda ay u socdaan baqdin la’aan.

Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-shabaab ku qaaddo Kenya.

Intii uu socday Weerarkii Jaamacadda oo qaatay muddo Shan saacadood ah ayay kooxihii Al-shabaab u kala saareen ardaydii jaamacadda Muslimiin iyo Misiixiyiin; iyagoo toogtay ardaydii masiixiyiinta ah oo ay isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay xukuumadda Kenya ka dalbatay inay kala baxdo ciidamadeeda gudaha Somalia, si ay weerarrada uga joojiso, balse taas waxaa ku gacan-sayray madaxda sare ee xukuumadda Kenya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!