Jabuuti oo ka wal walsan weeraro Al-shabaab ku qaadaan doorashada Soomaaliya

by wadani | Sunday, Oct 30, 2016

Jabuuti : HN :-Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah isagoo ku hadlaayay afka xukuumada Jabuuti Maxamud Cali Yusuf waxa uu sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-shabab ay u socoto naafeenta doorashada Soomaaliya ee bisha soo socota ka qabsoomi doonta wadanka iyagoona xoojinaya weeraradooda ka dhanka ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Max’ed Cali Yusuf oo wareysi siinayay Jariidada Horn Africa ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkiisa ka jooga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay dhamaadkii todobaadkii tagay ay la kulmeen gaari weyn oo lasoo miidaamiyay waxaana ku dhintay 3-kamid ah askarteeda lix kalana waa ay ku dhawacmeen,waxa uu wasiirka uu tilmaamay in werarkaasi aysan wax kabadali doonan joogitaankoodi Soomaaliya.

Wasiir Maxamud ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-shabab ay la soo baxday istiraatihjayad ay ku laba jibaareyso weeraradeeda si aysan guul ugu dhamaan doorashada Soomaaliya si gaar ah markii ay fadhiisimo dhowr ah ay isaga baxeen ciidamada Ethiopia.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!