Jabuuti oo xirtay xadka ay la wadaagto Somaliland

by admin | Monday, Feb 23, 2015

Djabuuti : HN :—Dowladda Jabuuti ayaa xirtay xadduudka ay la wadaagto maamulka Soomaaliland,sababo lugu sheegay xoojinta amniga

Wararku waxaa ay sheegayaan in Jabuuti ay dooneyso in ay ka hortagto weerarro uga yimaada xooggaga ka dagaallama gobolka,kuwaaso la sheego inay intooda badan ka talaaban xadka ay la wadegto Jabuuti dhulka Soomaaliland.

Ururka al-Shabaab oo ka dagaallama Soomaaliya ayaa muuqal uu dhawaan soo saaray ku hanjabay inay weerarri doonan danaha reer galbeedka,waxaana Jabuuti saldhigyo ku leh dowladdo badan oo ka tirsan wadamada loogu yeero reer galbeedka.

War kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in la xiray xuduudda Somaliland, kaddib markii ay ka war-heshay falal amni Djiboutian soldier stands behind a heavy machine gun in an undisclosed location along the border with Eritreadari ah oo ku soo fool leh dalkeeda, waxayna sare u qaaday amniga gudaha dalkeeda.

Sirdoonka Jabuuti ayaa feejignaan dheeri ah la geliyay, waxaana horay u jiray digniino ka soo baxay Mareykanka oo ahaa in weeraro argagixiso ka dhacaan dalkaas.

Jabuuti ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, iyadoo ciidamo ku dhow labo kun askari ka joogaan Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaan wali hilmaamin bishii May ee sanadkii 2014 markaaso labo ruux oo ragg iyo dumar ahaa waxay weerarro is qarxin ah ka fuliyeen maqaaxi caan ah oo ku taal Jabuuti, halkaasoo ay u badnaayeen reer galbeedka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!