JACAYLKA RASUULKA‏. WQ: Cumar Sumeiman

by admin | Monday, Feb 20, 2012

JACAYLKA RASUULKA

Waxaa jira in aan qoray maqaal la magac baxay rasuulka u ducee mooyee, maqaalkaasi wuxuu keenay in dad culuma ah oo fara badani ay tacliiq ka bixiyeen. Waxaan doonayaa in aan isku dayo Alle idankiis in aan argtidayda aan maqaalkaas ku qoray sii lafa guro. Waxaan ka cudur daarnayaa in aanan maqaalkii hore aniga oo ka maagaya in hadalku igu tiro bato aanan si buuxda u soo bandhigin aragtidayda ku aaddan Suufiyada dadka ku afwaajida rasuulka ayaanu jecel nahay, jacaylkiisa ayaanuna sidaas u yeelaynaa. Haddii lagu dhaho hoos rasuulka ugu salliya ama Alle ugu xasuusta, waxay kaa dhigayaan in aad diiddan tahay salliga rasuulka. Sidaas oo ay tahay waxaa jira aayado sida middan hoos ku min guursan si cad noogu sheegaya in xasuusta Alle iyo salliga nebigaba hoos loo akhriyo ee aan kor loo qaadin hadalka.

وَاذْكُرْ رَبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعًا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ وَلَا تَكُنْ مِنَ الْغَافِلِينَ(الأعراف 205).
Sidaas darteed Suufiyadu waa ay ku gar daran yihiin in ay qaylo dhaadheer iyo cadro ku gudbiyaan xasuusta Alle cid maanta ay wax ka yeelayaan oo la hadli kartaana ma jirto. Gaaladana waxaa la moodaa in ay arkeen in ay xaggooda ka fudud dahay in dadka Islaamka ah lagu kala jebiyo.

Waxaa kale oo in Alle amaanka in kor loo qaado lagu diiday xadiiskan hoos ku dhigan oo uu weriyey Muslim.
حَدَّثَنَا أَبُو كَامِلٍ فُضَيْلُ بْنُ حُسَيْنٍ حَدَّثَنَا يَزِيدُ يَعْنِي ابْنَ زُرَيْعٍ حَدَّثَنَا التَّيْمِيُّ عَنْ أَبِي عُثْمَانَ عَنْ أَبِي مُوسَى أَنَّهُمْ كَانُوا مَعَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُمْ يَصْعَدُونَ فِي ثَنِيَّةٍ قَالَ فَجَعَلَ رَجُلٌ كُلَّمَا عَلَا ثَنِيَّةً نَادَى لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَاللَّهُ أَكْبَرُ قَالَ فَقَالَ نَبِيُّ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّكُمْ لَا تُنَادُونَ أَصَمَّ وَلَا غَائِبًا قَالَ فَقَالَ يَا أَبَا مُوسَى أَوْ يَا عَبْدَ اللَّهِ بْنَ قَيْسٍ أَلَا أَدُلُّكَ عَلَى كَلِمَةٍ مِنْ كَنْزِ الْجَنَّةِ قُلْتُ مَا هِيَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ و حَدَّثَنَاه مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ الْأَعْلَى حَدَّثَنَا الْمُعْتَمِرُ عَنْ أَبِيهِ حَدَّثَنَا أَبُو عُثْمَانَ عَنْ أَبِي مُوسَى قَالَ بَيْنَمَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَذَكَرَ نَحْوَهُ حَدَّثَنَا خَلَفُ بْنُ هِشَامٍ وَأَبُو الرَّبِيعِ قَالَا حَدَّثَنَا حَمَّادُ بْنُ زَيْدٍ عَنْ أَيُّوبَ عَنْ أَبِي عُثْمَانَ عَنْ أَبِي مُوسَى قَالَ كُنَّا مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي سَفَرٍ فَذَكَرَ نَحْوَ حَدِيثِ عَاصِمٍ و حَدَّثَنَا إِسْحَقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ أَخْبَرَنَا الثَّقَفِيُّ حَدَّثَنَا خَالِدٌ الْحَذَّاءُ عَنْ أَبِي عُثْمَانَ عَنْ أَبِي مُوسَى قَالَ كُنَّا مَعَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي غَزَاةٍ فَذَكَرَ الْحَدِيثَ وَقَالَ فِيهِ وَالَّذِي تَدْعُونَهُ أَقْرَبُ إِلَى أَحَدِكُمْ مِنْ عُنُقِ رَاحِلَةِ أَحَدِكُمْ وَلَيْسَ فِي حَدِيثِهِ ذِكْرُ لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ (مسلم).

Sida xadiiska ka muuqata wuxuu rasuulku u sheegayaa axsaabtiisa in ay Alle hoos u ammaanaan ee aanay kor ula qaylin isaga oo ka shidaal qaadanaya aayadda kale ee Alle rasuulka ku farayo in haddii ay i kaa weydiiyaan waxaad u sheegtaa in aan u dhowahay aanna kii i barya ka yeelo baryada ee ha i yeeleen hana i rumeeyeen si loogu jid bixiyo.
وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌ أُجِيبُ دَعْوَةَ الدَّاعِ إِذَا دَعَانِ فَلْيَسْتَجِيبُوا لِي وَلْيُؤْمِنُوا بِي لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ(البقرة 186).

Ilaah cwj meel fog innagama jiro wuxuu nooga dhow yahay xawlal mariidka sidaas darteed in baryadiisa iyo ammaantiisa midna lala tanaagoodo ma aha.

وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنْسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ(ق 16)
Markii aan arrinkaas intaas ku dhaafo ee aan ka hadlo jacaylka rasuulka, waxaan doonayaa in aanay jirin aayad Quraan oo in rasuulka loo duceeyo iyo in la rumeeyo lana raaco mooyee nalagu amrayo in la jeclaado aanay jirin. Waxaase Alle aayado badani ka hadlayaan in Alle la jeclaado loona wada xusliyo sidii lagu gaadhi lahaa raallinimadiisa ay tahay waajib. Waxaan soo daliishanayaa aayaddan hoos ku qoran oo si cad noogu sheegaysa in ay mu’miniintu sida ay gaaladu waxyaabaha kale ee ay caabudaan u jecel yihiin si ka sii weyn ay Alle u jecel yihiin.

وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَتَّخِذُ مِنْ دُونِ اللَّهِ أَنْدَادًا يُحِبُّونَهُمْ كَحُبِّ اللَّهِ وَالَّذِينَ ءَامَنُوا أَشَدُّ حُبًّا لِلَّهِ وَلَوْ يَرَى الَّذِينَ ظَلَمُوا إِذْ يَرَوْنَ الْعَذَابَ أَنَّ الْقُوَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا وَأَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعَذَابِ(البقرة 165).
Sida aayaddan ka muuqata jeclaanta Alle wax loo dhigo oo jacaylkiisa oo kale la jeclaadaa ma jiraan, wax kastana waa in isaga laga sii jeclaado. Jacaylka Alle la jeclaadaa ma aha in uu noqdo kan caadiga ah ee waa in la rumeeyo isaga rasuulkiisaba ama waa in lala yimaaddo iimaan buux oo isaga u gaar ah, lagana helo ruuxa jecel ku dhaqan kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka. Marka jacaylka noocaas ahi ma aha jacaylkii uu Abii Dtaalib jeclaa rasuulka oo kale. Marka haddii aan aayadda macnaheeda si kale o dhigo kuwa sanamda caabuda waxay iska dhigaan in ay muujiyaan daacadnimada ay u hayaan sanamada hase yeeshee mu’miinta ayaa Alle daacadnimo tooda ka sii daran ugu ah daacad, sidaas darteed ereyga يُحِبُّونَهُمْ waxaan u arkaa in ay tahay camal lagu muujinayo sida Alle daacadda loogu yahay. Sidaas darteed Suufiyadu waxay ereygan u adeegsadaan si ay dadka u marin habaabiyaan oo jacayl been ah oo aan waxba ka jirin ay u sheegtaan iyaga oo aan raacsanayn kitaabkii Alle iyo sunnaddii rasuulka. Aayaddan kale ee hoos ku dhiganina waxay si cad noogu sheegaysaa in ruuxii Alle jeceli uu raaco oo rumeeyo rasuulka si uu Alle isaguna markaas u jeclaado.
قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ(آل عمران 31).

Aayaddan kalena wuxuu Alle nagu barayaa in haddii aynu noqonno kuwo xun xun uu nagu beddelan doono kuwa isaga jecel oo rasuulka raaca oo rumeeya markaasna uu isagu sidaas ku jeclaado.
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا مَنْ يَرْتَدَّ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَسَوْفَ يَأْتِي اللَّهُ بِقَوْمٍ يُحِبُّهُمْ وَيُحِبُّونَهُ أَذِلَّةٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ أَعِزَّةٍ عَلَى الْكَافِرِينَ يُجَاهِدُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلَا يَخَافُونَ لَوْمَةَ لَائِمٍ ذَلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ(المائدة 54).

Aayaddanna wuxuu Alle nagu barayaa in haddii aynu waalidkeen, ubadkeenna iyo xigtadeenna iyo xoolaha, lacagta iyo guryaha dhaadheer ee quruxda badan aynu ka jeclaanno Alle iyo rasuulkiisa iyo dagaalka difaaca diinta iska suga inta Alle uu arrinkaas tallaabo ka qaadayo oo amarkiisu soo degayo.
قُلْ إِنْ كَانَ ءَابَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُمْ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّى يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ(التوبة 24).

Ma lihi rasuulka lama jeclaan karo hase yeeshee waxaan ula jeedaa jacaylku waa laba nooc sida aan u arko mid waa dabiicioo waa jaclaanta ubadka, waalidka, xasaskaaga iyo nolosha adduunka, waana kii uu Abii Dtaalib u hayey rasuulka isaga oo qof ahaantiisa aan rumayn raacinna rasuulka. Kan kalena waa mid nafta ku soohan oo waajb ah oo ka turjumaya iimaankaaga. Waxaana lagu garanayaa qofka Alle iyo rasuulkiisa jecel wuxuu rumeeyey isla mar ahaantaasna raacay jidkii Alle uu rasuulka soo faray in uu dadka ku hoggaamiyo.

Sidaas darteed waxaan si kooban ugu macnaynayaa aayadda Atawbaha 24 sidatan:
Rasuulaw waxaad dadka ku dhahdaa haddii aad Alle, rasuulkiisa iyo jahaadka kaga iimaan qabtaan aabayaashiin, ubakiinna, walaalihiin, xaasaskiinna iyo xoolaha iyo hantida aad jeceshihiin inta uu Alle amar ka soo saarayo aan iska sugno.

In Alle la jeclaado waa waajib waxaana lagu muujiyaa rumaynta iyo raacista rasuulka. Marka Suufiyadu waxa ay samaynayaan ma yahay wax ka mid ah iimaanka Alle laga dhaxlay rasuulkii oo ka mid ah waxyigii Alle. Jacaylka ay sheeganayaan marka waa kii nebiga adeerkiis Abii Dtaalib uu jeclaa oo kale waayo waxay u dabaal degaan dhalashadii rasuulka oo aanay wax daliil ah u haysan.

Waxaan aayadaha aan soo daliishanayo ku soo gunaanadayaa aayaddan hoos ku qoran, taas oo Alle  si cad noogu sheegayo in dadka mu’miniinta ah uu rasuulku uga mudan yahay naftooda, xaasaskiisuna u yihiin hooyooyinkood oo kale, dadka intiisa kale mu’miniinta iyo muhaajiriinba sida ay isula dhasheen ayay isu kala xigaan.
النَّبِيُّ أَوْلَى بِالْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنْفُسِهِمْ وَأَزْوَاجُهُ أُمَّهَاتُهُمْ وَأُولُو الْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَى بِبَعْضٍ فِي كِتَابِ اللَّهِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُهَاجِرِينَ إِلَّا أَنْ تَفْعَلُوا إِلَى أَوْلِيَائِكُمْ مَعْرُوفًا كَانَ ذَلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا(الأحزاب 6)

Bal haddana aan isla aragno macnaha axaadiista ka hadlaysa jacaylka rasuulka qaarkood.
حَدَّثَنَا مُسَدَّدٌ قَالَ حَدَّثَنَا يَحْيَى عَنْ شُعْبَةَ عَنْ قَتَادَةَ عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَعَنْ حُسَيْنٍ الْمُعَلِّمِ قَالَ حَدَّثَنَا قَتَادَةُ عَنْ أَنَسٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ (البخاري).

Haddii aan si kooban u sheego macnaha xadiiskan wuxuu rasuulku noo sheegayaa in uusan iimaan lahayn ruuxii aan walaalkiisa mu’minka ah waxa uu naftiisa la jecel yahay aan la jeclayni. Waxaa xadiiskan ka muuqata in adiga mu’minka ah aadan ka naf jeclaysan mu’minka kale ee aad isla sinto oo wixii aad adigu jecshahay aad isagana la jeclaato. Laakiin haddii aan eegno aayadda aan horay uga soo hadlay in uu rasuulka cid kasta nafteeda uga mudan yahay ay tahay sida ku dhigan xadiiskan kale in uu ruuxa mu’minka ahi uu naftiisa ka hor mariyo Alle iyo rasuulkiisa.
حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ الْمُثَنَّى قَالَ حَدَّثَنَا عَبْدُالْوَهَّابِ الثَّقَفِيُّ قَالَ حَدَّثَنَا أَيُّوبُ عَنْ أَبِي قِلَابَةَ عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ ثَلَاثٌ مَنْ كُنَّ فِيهِ وَجَدَ حَلَاوَةَ الْإِيمَانِ أَنْ يَكُونَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَحَبَّ إِلَيْهِ مِمَّا سِوَاهُمَا وَأَنْ يُحِبَّ الْمَرْءَ لَا يُحِبُّهُ إِلَّا لِلَّهِ وَأَنْ يَكْرَهَ أَنْ يَعُودَ فِي الْكُفْرِ كَمَا يَكْرَهُ أَنْ يُقْذَفَ فِي النَّارِ (البخاري).

Sidaas darteed ayaa xadiiskan kale uu rasuulku u dhahay in Cumar Bin Khadtaab iyo ruux kasta oo kale oo mu’min  ah ay waajib ku tahay in ay naftooda ka hor mariyaan rasuulka iyaga oo ay tahay in ay naftooda wax kala jeclaystaan rasuulka, waayo Alle iyo rasuulka ayaa cid kasta uga xaq leh. Laakiin mu’miniinta kale sida aad naftaada wax ula doonayso iyagana ula doon, taas oo ah ha ka naf jeclaysan.
حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ سُلَيْمَانَ قَالَ حَدَّثَنِي ابْنُ وَهْبٍ قَالَ أَخْبَرَنِي حَيْوَةُ قَالَ حَدَّثَنِي أَبُو عَقِيلٍ زُهْرَةُ بْنُ مَعْبَدٍ أَنَّهُ سَمِعَ جَدَّهُ عَبْدَاللَّهِ بْنَ هِشَامٍ قَالَ كُنَّا مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُوَ آخِذٌ بِيَدِ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ فَقَالَ لَهُ عُمَرُ يَا رَسُولَ اللَّهِ لَأَنْتَ أَحَبُّ إِلَيَّ مِنْ كُلِّ شَيْءٍ إِلَّا مِنْ نَفْسِي فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ حَتَّى أَكُونَ أَحَبَّ إِلَيْكَ مِنْ نَفْسِكَ فَقَالَ لَهُ عُمَرُ فَإِنَّهُ الْآنَ وَاللَّهِ لَأَنْتَ أَحَبُّ إِلَيَّ مِنْ نَفْسِي فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْآنَ يَا عُمَرُ (البخاري).

Haddii aan soo gunaanado Suufiyada jacaylka ay sheeganayaan waa midka dabiiciga ah ee ma aha midka Alle na farayo, waxaana Alle iyo rasuulka jacaylkooda lagu sugaa rumayn iyo raacid xaqa lagu raaco. Jacaylka Alle iyo rasuulka waxaa lagu cabiraa hadba sida daacad loogu yahay, looguna dhaqmayo tusmooyinkooda iyo tusaalooyinkooda. Suufiyadu waa in ay dhaafaan madax adaygga gaalnimada u horseedaya ee ay xaqa sida uu yahay u raaacaan.

G/le Sare Omer Suleiman Ali

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!