Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed. WQ: Bashiir M. Xersi

by Yahye | Saturday, Jan 4, 2014

XORNIMO beenaadka 1960kii, ayuu hirgalay magaca JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED. Aqoon iyo aqoolna umaannaan lahayn waxay ka turjumaysay. Markii ciidanku xukunka marooqsaday 1969kii ka gadaal ayaa loo badalay JAMHUURIYADDA DIMOQORAADIGA SOOMAALIYEED. In kastoon DIMOQORAADINNIMO la arag, haddana, soddon sano ka dibna burburtay, jujuub, jufo iyo jabhado awgeed.

Dhawaan Sirdoonka Ingiriisku wuxuu soo bandhigay warbixin uu berigaa qoray, kuna lahaa Soomaalidu dawladdan (curdunkaa) sii xajisan mayso, oo waa is dagaali doontaa. Haddaba, maxaa ka dhab ah, anagoo eegaynna wixii dhacay xilligii dawladnimada ilaa maanta? Warcelinta ka sokow, waxaan caddaymo iyo xaqiiqooyin kaa tusi doonaa maanta sida xaalku yahay, oo sabab u ah waxa aan cinwaanka uga doortay: “JAMHUURIYADDA BEELAHA SOOMAALIYEED”.

Sanadkii 2004tii ayaa hannaanka dawladnimo lagu saleeyey (FEDERAL/GOBOLAYSI) oo la yiri: “Jamhuuriyadda FEDERALKA Soomaaliyeed” wixii ka dambeeyey waxaa dalka gees ka gees ka abuurmay maamullo beleedyo wata magacyo deegaan. Soomaalida dhibta maamulka ka haystaa waxaa wali isaga darsan: DAWLAD, XUKUUMAD, DASTUUR, FEDERAL, IWM. Marka Federalku waa: “Hannaan ama qaab ka mid ah siyaabaha umadi dhaqan maamul iyo maaraym u wadaagto”.somali-map

Haddaba eelka Federalka uu leeyahay marka laga soo tago sadbursiga iyo eexda waa in jufo walba tuulo ama degmo calammo ka mudatay calaamadna u yeelatay, oo ah BEELAYSI ee aan sinnaba loogu tilmaami karin Federal. Burhaanta u horraysa ee taa kuu caddaynaysaa waa madaxda ugu sarraysa dawladda, Xildhibaannada iyo Wasiirrada waxaa lagu xulay qaab beeleed kii ugu liitay ee “4.5” afar iyo bar, oo shirkii Carta sabab u ahaa, sida uu sabab ugu ahaa dagaalkii koofurta halakeeyey rididdii Kaligi Taliska ka dib. Marka weydiintu waa haddii madaxdii ku xulan tahay qaab beeleed maamullada kale maxaad ka filan?.

Waxaa guul lagu tilmaamay in Wasiirrada Xukumaddii Saacid sinnan loogu qaybshay beelaha, lagana gudbay nidaamkii afar iyo bar. Tani waxay la mid tahay beentii: KU MEEL GAARKII AYAA LAGA BAXAY! U fiirso, saddaxda beel ee xilalka; Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha qayb u helay, waxaa mar kale ku soo aaday 2 WASIIRRO  iyo KU XIGEENNO, oo ka dhigan inay mar walba beelaha kale wax dheer yihiin, aan la aqoon xeerka ay ku muteen. Halka beelaha kale ay ka heleen WASIIRRO  iyo KU XIGEENNO kaliya, haddaba sinnaan ma la dhihi karaa? Hubaal inay ka duwan tahay qaabkii hore, Xukuumaddan la sugayana arki doonnee beenta ay sheegto.

Dowladda, Baarlamaanka iyo Xukuumadda magaca unbay Federaal ka yihiin ma ahane wax Faderaal lagu doortay ama ku yimid ama ku jooga ma jiraan. Taa haddii aysan jirin midda meesha taal oo aan cidna diidi karin waa in beelaysi lagu awood qaybsaday, oo Federal been ah dadka lagu indha sarcaadinayo. Aan kuu tusaaleeyo beelaysigee ila soco.

Maamulka ku meel gaarka ah ee JUBBA awood qaybsigu waa beelo, haddana deegaanno dhawr ah waxaa wali gacanta ku haya Alshabaab, Gedo wali dood badan ayaa ka jirta inay ka mid noqonayso. Gobollada Baay iyo Bakool hadda ayaa laga wadaa maamul iska hor imaanaya, midi ka kooban yahay 6 gobol, kan kalana yahay 3 gobol, 2 gobolna waa la sheegeyaa. Labada Shabeelle waxaa ka aloosan dagaallo beeleed halkii maamul dhisid loo jeesan lahaa, iyagu kii beelaysiga ahaa xitaa ma haystaan, oo waxaa la doorbiday in hoobiyaha la isku hoobiyo. Waxa is diiddan ma ahan deegaanka iyo gobolladee, beelaha ayaa is mari la’.

Muqdisho dawlado badan ayaa ka dhexdhisan, ay leeyihiin Caddaan iyo Ciidan, Madaw iyo Maalqabeenno, Odoyaal iyo Ururodiimeed IQKB.

Degmada Matabaan waxay ka tirsan tahay gobolka Hiiraan, haddana, maamul ahaan waxaa laga hagaa Degmada (Dahar Dheer) Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galguduud. Qaybo ka mid ah Hiiraan wali Alshabaabaa xukunta. Sidoo kale, deegaanka xeebaha ee Galgduudna waxaa wali ka taliya Alshabaab. Degmada Hobyo waxaa isku haysta Maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, oo mid walba sheegto inuu maamulo. Isla Galguduud, waxaa ka arrimaya in ka bdan afar maamul iyo kuwa hummaag ahaan u jira (Ahlusunna, Maamulka Dawladda, Ximan iyo Xeeb, Galmudug iyo Alshabaab). Magaalada Gaalkacyo (Koofur iyo Waqooyi) waxaa ka kala taliya labada maamul ee Puntland iyo Galmudug State, waana magaalada kaliya ee leh laba Garoon Diyaaradeed.

Labada  degmo ee Galdogob iyo Jarriiban iyo qayb ka mida Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ayaa hoostaga Puntland, haddana, waxaa dhacday sanadihii la soo dhaafay inaysan xaafadda Garsoor oo ka tirsan Gaalkacyo iyo degmada Galdogob aan xiriir wanaagsan kala dhaxayn Maamulka Puntland. Sidoo kale, degmada Jarriiban ayaa la wadaagta arrintan. Dib u xasuuso iska hor imaadyadii dhacay, sanaadiiqdii doorashada ee la gubay iyo wixii la mid ah.

Degmada Caynaba oo Gobolka Sool ka tirsan waxay hoostagtaa Maamulka Somaliland, madaama aanay deganeyn beelaha ku bahoobay waagii hore Puntland, kumana lahan sheegashada Beelnimo ee ay gobolka intiisa kale ku maamulaan.

Xaaladda noocan oo kale ah ayaa keenta in gobol degmooyinkiisa lagu kala saaro sida beeluhu u kala deggan yihiin, waana qaabka ay labada maamul u wada deggan yihiin magaalada Gaalkacyo maamullada Puntland iyo Galmudug State. Sidoo kale, waxaa la mida labada degmo ee Badhan iyo Laas Qorey ee Gobolka Sanaag, waxay isir wadaag la yihiin beelaha ku bahoobey Puntland, balse, xurunta Gobolka Ceeri Gaabo iyo Ceel Afweyn waxay hoostagaan Maamulka Somaliland.

Dhana kale, waxaa jira Maamul la yiraahdo “Maakhir State” oo labada degmo ee Laas Qorey iyo Badhan lagaga dhawaaqey, waxaana dhinaca Gobolka Bari ka jira Maamullada: Raascaseyr State iyo Karkaar State, oo inay Puntland ka go’aan doonayo, beel ahaan awgeed, illeyn tagoogti horei lagu kala tagyee.

Magaalada Boosaaso iyo Qardho xiriir wanaagsan lama lahan Maamulka Garoowe, waana magaalooyin ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo xooggan, xarunna u ah dhammaan musharraxiinta la tartami doona maamulka hadda jira. Waxaa haddaba isweydiin ah waa intee awoodda maamul iyo siyaasadeed ee Puntland si dhab ah u maamushaa, maadaama guud ahaan Gobolka Sanaag, Sool, iyo Mudug ay qaybo ka mid ah ka taliyaan kaliya? Saw lama dhihi karo wuxuu ku koobna yahay 3 degmo ee Gobolka Nugaal oo keli ah? Mise la dhihi karaa Puntland intii laysku oran jiray hadda dhammaantood wuu ka wada shaqeeyaa maamulkaas?.

Gobolka Togdheer waa dhawr degmo, waxaana ka mid ah degmada Buuhoodle ma hoostagto maamulka ka arrimiyaa gobolkaas wax xiriir ahna kalama dhaxeeyo. Degmada Buuhoodle ayaa Koonfur bari ka xigta Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, waxaa dhexmara, xad beenaadka Hawd ee Soomaali Galbeed iyo Soomaali u dhexeeya. Degmada waxaa ka arrimiya dhawr maamul oo qaarkood magac u yaal yihiin. Tusaale, magaaladan waxaa ka taagan, afar Calan,  kii Jamhuuriyadda ee buluugga ah oo Maamulka Khaatumo u taagan, Somaliland oo koox ku mushahaar qaadata u taagan, Puntland oo koox ka mushahar qaadata u taagan iyo kan Xabashida oo xad beenaadka xaafadaha ku yaal u taagan.

Degmada Taleex iyadana toddobaadkiiba waxaa  laba maalmood ka arrimiya saddex maamul oo kala duwan, Somaliland oo Qamadi geysa, baabuur ciidanna ku dhexmarta, Khaatumo oo dhexdeggan iyo Puntland oo iyana dhan ka joogta. Magaalooyinka Badhan, Xudun ayaa la wadaaga Taleex arrintan ee Gobolka Sool iyo Sanaag.

Waxaa sidoo kale jirta, in degmooyinka Waqooyi Galbeed ee xeebaha; Saylac, Lug Haya iyo Salel aysan nidaam ahaan hoostegin Maamulka Somaliland, balse, magac u yaal ahaan ay u hoosjoogaan. Dadka halkaas deggan ayaa si dhab ah u aaminsan kuna dooda inay dowladda Federaalku gabtey.

Dagaalkii dhacay 1994tii ee u dhaxeeyay labadii kooxeed ee Federaalka iyo Gooni isu taagga kala wadatay ee ku dagaallamay Somaliland heshiiskii wada noolaansho ee laga gaaray ayaa lagu xiray intay ka degayso Soomaaliya in beelihii doonayey Federaalka ay Somaliland kula noolaadaan nabad, hadhowna afti lagu kala baxo. Beelaha deggan Galbeedka, Burco, Gobolka Sanaag, Saaxil, iyo Bariga Hargaysa ayaa ah beelaha aadka u taageersan nidaamka wax wada qaybsiga iyo wadaagga Soomaaliweyn, hase yeeshee ilaa hadda ma aysan arag Soomaalidii ay rabeen inay wax la wadaagaan!

Haddaba, intan oo xaaladood hadday ka jirto Maamulka Somaliland ma la oran karaa wuxuu si dhab ah uga taliyaa deegaannada uu sheegto? Bal adba. Ha moodin inaan hilmaamay beelaha ku hoosjira walli Gumaysiga Madaw! Halkan ka muuqso Faysal Cali Waraabe sida uu Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed u arko:

https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=Q2nPjeQ0ULA

Maamul beeleedyadan marka la eego jaantuskooda iyo jiritaankooda ayey yihiin:

1-Maamullo ka soo muuqday saaxada siyaasadda, awood qaybsiga iyo shirrarka dib u heshiisiinta.

2-Maamullo dhismay, aanse awood iyo saameyn yeelan wali, oo ku hawllan hannaan iyo hab u gaar ah ku yeelan lahaayeen.

3-Maamullo dhismahooda iyo ku dhawaaqid uusaan soo dhaafin masraxa xafladaha loo qabatay.

4-Maamullo aan dhismin, laguse gudajiro in la dhiso, oon wali dhaafin afka ama riyo maalmeedka.

Waxaan kaloo u qaybin karnaa sidan:

1-Maamul Gooni istaagay. 2- Maamul Gooni socod u ah. 3- Maamul aan wali gooni isu raacin. 4- Maamul aanba gooni isu raaci karin. Dhamaantoodse waxay wadaagaan shaarka ay wada gashan yihiin ee beesha.

Wasiir Beeli keentoow
Sida buugta laga helay
Aqoon buuran maad lihid
Nin bulshada u doodoo
Wax ku biirshay maad tihid
Bir adeyg waddaniyoo
Runta aan ka baqinoo
Beenta diida maad tihid
Beel baad ku timid iyo
Bah-heblaayo inaad tahay

Abwaan Cabdi Muxummad Amiin.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Federaalka Soomaaliya ka yiri: “SUNTAN WAA LA GALSHAY, SI XUN BAA LOO GALIYEY!” intuu xaaladda Soomaali ka hadlayey abid maalin uu ka run badnaa ma arag, waxaase is weydiin mudan sababta uu hadda ciidamo u soo kordhinayo, suntaa uu sheegayna askar cusub ugu soo dirayo? Halkan hoose ka dhagayso hadalkiisii.

http://www.youtube.com/watch?v=kvnow-pVCPA&feature=youtu.be

Gobol, Degmo  iyo Tuulo haddii maamullada ka dhisan qaab beeleed yihiin, saw sax iyo maangal ma ahan in magaca loo baddalo “Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed” taa oo beel walba xaq u siinaysa inay ka mid tahay beelaha xusan? Israacii gobolluda hadduu noqday TAGOOG wadaad, ee uusan ahayn TALO wadaag, saw ma habboona in magaca “Jamhuuriyadda FEDERALKA Soomaaliyeed” lagu badalo “Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed”? Bal adba.

Ogow, annaga (Soomaali) Federal (Gobolaysi/ State) maamulkueennu kuma dhisna, ee wuxuu ku dhisan yahay beelaysi, haddaba, saw ma ahan in wax walba magaca ay leeyihiin loogu yeero, oo aan magac iyo muuqaal aan is lahayn la is marmarin? Waxa taa ka muhimsan, marka Federal (Gobolaysi/ State) beena la adeegsanayo beelo badan ayaa jiritaankooda la inkirayaa, oo aan deegaan gaar u maamulin, haddaba, saw ma mudna in lagu magacaabo “Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed” oo keenaya in beel walba deegaan ha maamusho ama yeysan maamulin ay ka dhexmuuqanayso magacaa?.

 

Sanad suubban

Saxar aan qabin

Saatir nooga yeel!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!