Jawaahir Axmed Cilmi iyo C/waaxid Goonjeex oo ku soo baxay kuraasta aqalka sare

by wadani | Sunday, Oct 16, 2016

Cadaado : HN : -Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Aqalka sare ee Galmudug, kaddib markii ay ka adkaatay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo xilkan aad loogu saadaalinayay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa u codeeyay Jawaahir Axmed Cilmi oo codka kaga guuleystay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo horay u ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

Tartanka Kursiga Aqalka sare ee Beesha Cayr ayaa ahaa kan ugu adag ee ay ku loolamayeen saddex Musharax, waxaana uu la mid ahaa Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan oo uu shalay ku guuleystay Abshir Bukhaari.

Dhinaca kale, ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa ku guuleystay Kursiga 7aad ee xubnaha Aqalka sare u matalaya maamulka Galmudug.

C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa kaga guuleystay kursiga Beesha Mareexaan labo musharax kale oo mid haweeney aheyd oo lagu kala magacaabo Aamina Cali Maxamed, Maxamed Maxamed Samatar Duraan.

Ugu danbeyntii, kursiga ayaa noqonaya kii 7aad ee Aqalka sare xubnaha maamulka Galmudug, iyadoo haatan ay harsan tahay hal kursi kaliya.

Xubnaha Kuraasta Aqalka sare ee shalay iyo maanta ku guuleystay ayaa waxay kala yihiin:-

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!