Jawaari iyo Faarax: Labo jufanimadu ku fogtahay! WQ: Bahiir M. Xersi

by admin | Wednesday, Mar 25, 2015

Jawaari iyo Faarax: Labo Jufannimada ku fogaaday!

Reernimadu Soomaali waa u caado iyo curadnimo, heer ay dawladdii iyo awood qaybsigii siyaasadeed ku qaybsadeen, haddana, sidaa oy tahay, lagu kala faradhuudhuuban, hadba, sida loola falgalo iyo sida loogu Awrkacsado.

Mudane walba oo dawladda iyo maamul goboleedyada ku jiraa, wuxuu metalaa beel iyo jufo, haddii uusan raas iyo metelin afar oday. Ninna kuma iman, mana lagu xulin, aqoontiisa, kartidiisa, dadnimadiisa iyo dabcigiisa waayo aragnimo, haddana, waxay isu haystaan ama loo qaatay, haddaan loo aqoonsan inay yihiin HALYEEYO aan la heli karin iyo HOGGAAMIYEYAAL aan la hollin karin.

Badanaa, waxaaba dhacda in beelnimada ka sokow, lagu xulo sida loo kala doqonsan yahay ama loo kala dabadhilifsan yahay, oo xukunka iyo xilka laga xiraa, qof walba oo loo arko ama loo garto inuu yahay waddani. Horta, yaa WADDANI ah? Maxaase lagu noqdaa? Earaygaa wareer badan ayuu keenay.

Isjiirka aayaha umadda iyo ayaanka agnaanka, waxaa u dhexeeya waa taaganta tarmaysa, oo tallan, tawaawac iyo taah ku taagan, aan tabcanuhu uga turayn una tirayn tolka, haddana, had walba Soomaaliya Soomaali baa leh.

In kasta oo dad badan ku sirmeen xerta Xasan iyo Jawaari, madaninnimada awgeed, haddana, wali waa socotaa sirmashadii, oo waatan waddanka la goobeynayo, waliba iyada oo isir dhalasho iyo dhiig oday lagu xadaynayo gobolladii, halka looga jaangooyey danaha iyo damaca Itoobiya, oo dhammaan ah aragti ay iyadu soo qoondaysay, balse, uu fulinayo SABSABLAHA sare ku suntan.

Mudane Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaan ku tilmaami karaa mudanaha ugu qabyaaladda badan inta xilalka sare haysa, oo maalintuu xilka ku soo baxay illaa maanta ma tagin magaalo ka baxsan Muqdisho oo xarun iyo saldhig u ah iyo Baydhaba Jannaay, oo tolkiisu deggan yahay.

Isweydii: Soomaaliya, labadaa magaaloo kaliya miyaa? Ma wuxuu guddoomiye Baarlamaan u yahay, dadka deggan labadaa magaalo, oo kaliya? Maya, aan si qurxan u dhehee, ma wuxuu guddoomiye u yahay 275 XILDHAAN iyo dadka Baydhaba Jannaay? Ogoow, hadduu Baay iyo Bakool tagay waa, isla jugjug meeshaada joog.

Kuwii ugu qabyaaladda iyo sedbursiga badnaa, ee ahaa Gaas iyo Sharmarkaba ka badi, oo iyagu marka laga soo tago inay reerkoodu u sedburiyaan, waxay ku labaan raadtirasho iyo qiiq isku qarin indha sarcaadis ah, balse, Jawaari intaa waa garan waayey, qof garansiiyana illaa iminka ma helin. Waa meeshii laga dhihi jiray: Dooro Xaarka waa wada cunta, aftirasho ayeyse is dheer tahay!

Taa waxay ka dhigan tahay in Jawaari 3sano ee la soo dhaafay, uu matalayey oo kaliya reerkiisa iyo deegaankooda, inta kalana uu beylihiyey, haddaba, is weydii: kaa oo kale ma la dhihi karaa waa, MUDANE QARAN? Ma mudan yahay inuu xilkaa sare u hayo Soomaali oo dhan? Ma yahay ruux meteli kara danaha beelaha Soomaali oo dhan, inta aan la gaarin dan qaran?.

Ku darsoo, golaha sharcidejinta ee uu madaxda ka yahay, illaa iyo hadda shaqadii ugu adkeed ee ugu dhibka badneed, oo ku saabsaneed wax ka badalidda DALTUURKA waxba kama aysan qaban, oo ay eheed inay mar hore soo afjaraan. Bilo ka hor ayaa la magacaabay guddi lagu sheegay, guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista DALTUURKA, oo kaalay, kuwii hore ee qashinkan isku dhexyaacsan soo qorqoray, miyey ka fiicnaan doonaan? Tan kale, maxaa diidaya in dib u eegista DALTUURKA loo daayo baarlamaanka, oo aan bannaanka laga faragalin? Saw iyagu sidaa mushaar kuma qaataan, maxay dad kale ugu wakiilanayaan shaqadooda?.

Faarax Cabduqaadir, Wasiirkii hore ee DALTUURKA ahaana Wasiiro dawlaha Madaxtooyada, ayaa waxaa la sheegaa inuu ka soo jeedo dhulka Soomaali Galbeed, ee Itoobiya xoogga ku haysato, oo illaa iminkana reerkoodu deggan yihiin. Micnaha haddii lagu cabbiro aragtida dad badan ku hadaaqaan maanta waa Itoobiyaan, maadaama sidaa ay sheegteen in badan oo ka mid ah dadka dega gobolkaa.

Muhimadda qoraalku ma ahan meesha uu ku dhashay ama ka soo jeedo, in kasta oo ay dagaal ka fasiri doonto dhaqankiisa ah qodobka qormadu ku qotonto. Kaliya, waxaan kuugu soo hormarshay inaad gadaal ka fahanto labada qodob ee aan ugu tilmami doono nin jufannimada ku fogaaday.

Dad badan Faarax waxay ku tilmaamaan inuu yahay madaxwenaha rasmiga ah ee maamula dalka, marka laga soo tago NACDOON Nicolas Key, oo danaha qarsoon ee Soomaaliya Galbeedku ka leeyahay metela.

Faarax inta la ogyahay wuxuu sabab u noqday in la rido ugu yaraan 3xukuumad, oo mar koox uu ku jiro wasaarado loo kala badalay, balse, socon waysay. In kasta oo tallabadaa uu ku qaldanaa Cabdiwali, maadaama aysan Xasan isla meeldhigin, haddana, waxay ku tusee, awoodda uu leeyahay iyo lama taabtaan inuu yahay. Labada kale, mar walba, oo magaciisa lagu dhex arkaaba ragbaa caqabad ku ahaa, aan la aqoon waxa ay ka rabaan ama ku diidayaan.

Anigu waxa aanan garan Faarax iyo Guuleed ma waxay ka LIITAAN Cumar Cabdirashiid Sharmarke, maxaa loo diiday? Horta, yaa diiday, oo hortaagay, illeyn awood qaybsugu waa beel asal ahaane, sida aan ognahayna, beelahoodu ma diidine? Yaab.

Intaasi waa, Gaal dil, gartiisana sii! Ee u kaalay, ujeedka sida Faarax ku noqday nin jufannimada ku fogaaday. Faarax sidii uu Wasiir u noqday, ka hor iyo hadda oo uusan wasiir ahaynba, waligii ma tagin magaalo ka baxsan Muqdisho oo xarun u eheed siduu Soomaaliya u yimid iyo gobolka Jubbada Hoose, oo uu qayb ka ahaa sidii Axmed Ismaan “Madoobe” loogu gacangalin lahaa deegaankaa, oo isna sida Faarax oo kale ka soo doolaalay dhul fog iyo Dhagax Buur ka xagga.

Faarax wuxuu ahaa ninkii soo saxiixay heshiis ku sheeggii Axmed Madoobe loogu dhiibay Kismaayo, oo ka dhacay Addis Ababa. Shirkaa waxaa wada saxiixday laba nin oo Itoobiyaan ah (Faarax iyo Axmed Madoobe), waxaa goobjoog ka ahaa nin Itoobiyaan ah (wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom), waxaana lagu saxiixay magaalo madaxda Itoobiya, adba garo, ujeedka laga lahaa!

Kaliya ma ahan, ee Axmed Madoobe saw iskuma darsan laba arrin oo la yiri waa in la yareeyaa, oo ah qabqablennimo iyo dagaal oognimo? Maxaan awood loogu adeegsan sida Ahlusunnada Guri Ceel loo damcay in awood loogu maquunsho? Maxay is dhaamaan, oo midna loogu maamuusay maamul, isaga oo meel fog ka yimid, kuwa joogey deegaankoodii ay ku dhesheen una dhasheen, ee waliba ay Alshabaab ka difaacdeenna loo amray in xabbad indhaha laga galsho, oo magaalo aan waligeed laga qixin dadka looga qixieyey?

Si kale, Ahlusunnada Guri Ceel lagu dagaalay iyo Axmed Madoobe waxay isaga mid yihiin: (1) Inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo. (2) Inax Shabaab la wada dagaallameen. (3) Inay diin wada huwan yihiin, oo Amxed Madoobe waa Altixaad, halka Kuwa kale yihiin Ahlsunna, haddaba, maxaa kaasna maamul iyo maareyn loogu abaalmarshay, kuwanna madfac iyo mariid loogu abaalguday? Weydiintan waxay hortaal: Cabdikariim Guuleed (ninka dartiis dagaalku u dhacay!), Xasan Shiikh iyo Faarax (maalgaliyayaasha dagaalka), Mahad Salaad (doqonka Damjadiid u qaadumeeya, si uu dadkiisa u laayo, deegaankoodana uga qixiya) iyo dagaal ooge Goobaanle, oo dagaalgalinta qaabilsanaa!

U laabo Faarax iyo qaddiyadda Kismaayo. Kuma dhalan, mana u dhalan, haddana, ahmiyaddaa xooggan ayey Kismaayo u leedahay, iyada oo uu joogay Wasiirka Arrimaha gudaha, ayuu inta ka tallaabsaday, heshiis ku sheeggaa Axmed Madoobe la soo galay. Cabdikariim raalli waa ka yahay, in reer Guri Ceel ay noqdaan in; dhimatay, in dhaawac ah iyo in qaxda, si uu madax uga noqdo maamulka laga shisi doono Gobollada Dhexe, balse, ma awoodin inuu yac iska yiraa, ninkan faragaliyey awooddiisa iyo wasaaraddiisa, oo markaa iyo marar badan shib ayuu ahaa, haddana, waa kaas mar kale u aamusan sidii dadkiisa loogu jujuubi lahaa!

Faarax, isaga oo aan dhulkaa xudduntiisu ku duugnayn, ayuu u xusulduubay sidii Axmed Madoobe ugu amar ku taaglayn lahaa, oo waliba dadka ku dhibaataysan waxaa ka mid ah isla beesha uu ka soo jeedo Faarax, oo maalin walba dhaca, boobka iyo dilka kala kulma malleeshiyaadka Raas Kambooni, heer ay dileen NABADDOONNO!

Dhanka kale, markii Barre Hiiraale, oo hadda xabsi guri ku jira, laga soo wadayey Goob weyn, Faarax goobjoog ayuu ka ahaa kulankaa, oo waxaa ku wehliyey Gen. Gebre, oo ahaa ninkii ka masuulka ahaa xasuuqii ka dhacay Muqdisho iyo koofurtka dalka, oo la dhextaagnaa Baskoolad, halka ay iyagu ka ahaayeen sacabbooleey, af qayaxan ku qosolayey. GABLAN.

Yaa ii sheegi kara, waxa Faarax ka yaal Kismaayo, oo uusan magaalo kale oo Soomaliyeed u danayn; nabaddeeda iyo dib u heeshiisiinteeda, ee uu intaa oo waqti iyo dabcan oo dhaqaale ah u galshay, sida loo adkayn lahaa maamulka malleeshiyada Raas Kambooni?.

Ogsoonow, Axmed Madoobe waxaa heshiisku ahaa in lix bilood uu si ku meel gaar ah u sii ahaado madaxa maamulka Jubba, ka dibna doorasho iyo la qabto kulan looga arrinsanayo qaab dhsimeedka maamulka. Ka muhimsane, heshiisku wuxuu si cad u qeexayey in lixdaa bil ka dib maamulka Garoonka iyo Dekadda lagu soo wareejiyo dawladda, ee adigu ma aragtay wax iska waraysata? Ma aragtay Faarax, oo leh; waa in la sii dhammaystiraa heshiiskii Addis Ababa? Ma aragteen Xasan sida uu ugu lahaa Odayaasha ku shirsanaa Dhuusa Mareeb wax u dhigma: “Waa inaan laga daba hadlin go’aanka dawladda!” waa yaabe, waa dawladma? Ma Reer Gobollada Dhexe kaliya ayey dawlad u tahay? Haa waa runtii, oo iyaga kaliya ayey dili taqaan, oo markii Xasan Daahir Aways, loo diray odoyaal ka keena degmada Cadaado, si dawladda uu isugu soo dhiibo, waa tii inta ballantii looga baxay, ul iyo loogu daray xabsi iyo daqarro, oo markay habeen jeelka baryeen maalintii dambe, iyagoo wajiga ku faashiyado leh warbaahintu soo bandhigtay. Bal weydiiya Bashiir Goobbe oo ahaa taliyaha Nabar sugidda, haddana, ah Xildhibaan, waxa habeenkaa dhacay! Laba iskama waraysan, waana ta uu qayb uga ahaa Xasan dagaalka Guri Ceel! Dawlad dhan ka raran iga dheh.

Faarax, sida dhabta ah, isagu jufadiisaa sida aan u naqaan uguma adeegin, marka laga reebo in dad badan ku tuhunsan yihiin inuu ku lug leeyahay dagaalka Deefoow ku soo lalaabtay, balse, wax ka weyn ayuu u adeegay, oo ah in dalka shisheeye loo gacangaliyo, Soomaali ha ku hadlaan ama yeysan ku hadline.

Hadda waxaa la leeyahay, Jawaari wuxuu tagi doona Magaalada Dhuusa Mareeb oo uu gabagabo ka yahay shirka dib u sheesiinta beelaha wada dega Gobollada Dhexe. Hadde ogoow, waa shirka ay carqaladda iyo ku hayeen caqabadahee, oo marar badan ay isku dayeen inay afduubtaan ama aan la qaban ama la joojiyo.

Ku darso, Jawaari malaha waxa uu Dhuusa Mareeb u tagayo ma ahan jacayl uu Gobollada Dhexe u qabo iyo magaalo Soomaaliye, waa hadal ay isla shirka ka jeedisay Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame oo ka soo jeedda deegaanka, shirkana ka qaybgashay oo ku tiri wax u dhigma: “Jawaari waxba Baydhaba ha ku laalaaban, ee noqo mudane dadka u dhexeeya!” Waxaan is iri hadalkaa ceebeynta ah ayuu is leeyahay iska soo mayr, mase yahay nin ceebtu ka fuqdo, sideese uga fuqee?.

Waxaan ku soo xirayaa qormada: horta maxaa diddan in madaxda dawladdu tagaan deegaannada maamulka Khaatumo, oo dawladdu ku aqoonsatay degreeto madaxweyne? Ogoow, teer iyo maalintii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo illaa hadda ma tegin wax ka baxsan Xilshibaan deegaankaa u dhashay. Wali ma tegin mudane kale, wasiir, Ra’iisul wasaare Madaxweyne, ewel baan laga sugayn Jawaari inuu halkaa tagee!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!