Jawaari oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee gollaha wakiilada Soomaaliland

by wadani | Monday, Aug 7, 2017

Muqdisho : HN :-Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa halbalyo u diray afhayeenka cusub ee baarlamaanka maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo shalay lagu doortay magaalada Hargeysa.

“Waxaan u hambalyeynayaa guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somaliland mudane Baashe.” ayuu yiri Mr. Jawaari.

Doorashada Baashe Faarax ayaa timid kadib markii toddobaadkii hore uu iscasilay guddoomiyihii hore Cabdiraxmaan Cirro oo ah musharrax jagada madaxweynaha Somaliland ee xisbiga Wadani.

Doorashada shalay ka dhacday aqalka Golaha Wakiilada Somaliland oo u dhaxeysay labo musharrax, waxaa lugu kala baxay kaliya hal cod. Waxaa guddoomiyaha cusub loo doortay Baashe Maxamed Faarax.

Doorashada oo si gacan taag ah u dhacday 39 xildhibaan ayaa u codeeyay guddoomiyaha guuleystay, halka musharraxa la tartamay oo ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ay u codeeyeen 38 xildhibaan.

Muddo 12 sanno kaddib ayuu baarlamaanka Somaliland doortay guddoomiyihii labaad, iyadoo uu xilkan hayay Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadani

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!