Jahwareer ka dhax taagan xarunta baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha oo 10 cisho codsaday

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Buuq sawaxan iyo eryo diidmo ah ayaa laga hor geeyay codsi uu gollaha baarlamaanka u gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid oo dalbaday in la siiyo 10 cisho kale oo dheeraad ah si uu soo dhameystiro xubnaha ka dhiman xukuumadiisa.

Ra’iisal wasaaraha oo khudbad u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa intii ay khudbadiisu soctay waxaa uu wajahayay640x427xBaaralamanka-Soi.jpg.pagespeed.ic.O2dUUP1Hvq buuq iyo qeylo ay ku sameynayeen xidhibaannada diidan xukuumada oo ku doodaya in ra’iisal wasaaruhu heli doonin waqti kale, loona baahan yahay in uu xukuumada la horkeeno gollaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday xildhibaannada in ay is dajiyaan islamarkaana dhageystaan khudbada ra’iisal wasaaraha, hasse ahaatee taa waxaa ka biyo diday xildhibaannada oo ku qeylinayay eryo ay ka mid ahaayeen, ”Yeeli meyno” Waan diidnay” waqti kale loo baahna iyo eryo kale.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa la sheegay in codsigiisa kaddib uu isaga huleelay gollaha shacabka, isaga oo dib ugu laabtay xafiiskiisa, waxaana waqtigan madasha baarlamaanka ka soconaya dood adag oo ay leeyihii xukuumada, lamana oga go’aanka ugu danbeyntii ay qaadan doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!