Jen Dhagabadan : weyn naga go’an tahay in aynu isku furno gobollada dalka

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 27 views

Muqdisho : HN :  Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa ka dhawaajiyay in ay ka go’an tahay sidii ay isugu furi lahaayeen wadada isku xirta gobollka dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya qorshaheedu yahay sidii ay isugu furmi lahaayeen wadada isku xirtay gobollka Shabeellaha dhexe ilaa laga gaaro sida uu hadalka u dhigay gobollka Bari ee maamul gobolleedka Puntland.

‘’Dagaalka waan sii wadi doonaa, ilaa aan suurtagal ka dhigno in si toos ah oo aan leex leexad laheyn loo isticmaali karo wadada isku xirta gobollada koonfurta iyo Bari Puntland, ayuu yiri,’’ Dhagabadan.

Maalmo ka hor ayaa waxaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobollka Shabeellaha dhexe waxaa la wareegay ciidamada dowladda  Soomaaliya oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM.

Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo maalin kadib markii lala wareegay Jowhar booqday, waxaa uu sheegay in dowladda isku xiri doonto jidka dheer ee xiriiraya Muqdisho ilaa Baladweyne.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!