Jen Tuuryare” dhalinyarrada shaqo ha ka dhigtaan soo sheegista xubnaha ka tirsan Al-shabaab

by admin | Thursday, Oct 9, 2014

Muqdisho :HN ;– Jen C/raxmaan Max’uud Tuuryare taliyaha ciidammada nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka reer Muqdisho gaar ahaan dhalinyarrada in wixii hadda ka danbeeya shaqo ka dhigtaan soo sheegista xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in la abaal marin doono cid kasta oo soo sheegta xog ku saabsan Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay dadka shaqo la’aanta  ah in maanta wixii ka dambeeyay inay shaqo ka dhigtaan Al-Shabaab.

“Waxaan leeyahay ninkii shaqo la’aan ka cabnayay haka dhigto Al-Shabaab, dhalinyarada kubada cagta ciyaareyso meeshii ay ku arkaan Al-Shabaab ha soo sheegaan”ayuu yiri Taliyaha Nabadsugida Jen. Tuuryare.

Waxaa uu sheegay in aysan tiro badnayn ciidamada Dowladda ee ammaanka qaabilsan, wuxuuna shacabka ku dhaqan Muqdisho kaTuuryare codsaday inay gacan siiyaan ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday shacabka in ay soo sheegaan ragga ay ku tuhmayaan Al-shabaab isla-markaana ay laamaha ammaanka gacanta ku soo dhigi doonaan, lana baari doono wax kasta oo uu yahayba.

Taliyaha ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in awooda Al-Shabaab la wiiqay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ciidamada sirta ee dowladda inay la dagaalami doonaan inta ka hartay sida uu yiri.

Hadalka Taliyaha Nabadsugida Qaranka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowaan la wareegeen Baraawe iyo deegaano kale oo ay Al-Shabaab ka talinayeen.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!