Jeylaani Nuur Iikar oo goor dhaw ku soo baxay doorasho ka dhacday Muqdisho

by wadani | Sunday, Dec 4, 2016

Muqdisho : HN :–Waxaa goor dhaw lagu doortay magaalada Muqdisho kursigii saddexaad beellaha Banaadiriga, waxaana kursiga dorasho adag kaddib ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikra.

Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in tartankan uu ku guuleestay Jelaani Nuur Iikar oo helay codad gaaray 28-cod halka Musharax kale C/casiis Cusmaan uu isna helay 23-cod, waxaana doorashadan ay aheed mid xamaasad leh oo ay adkeyd cida ku guuleesaneysa.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa cadaadis iyo mucaarad kala kulmayay maalmihii lasoo dhaafay Waxgaradka iyo qeyabha kala duwan ee Beeshiisa ayaa ku sigtay in laga guuleesto, waxaana la sheegay in Jeylaani saacadihii lasoo dhaafay olole badan sameeyay lacagana ku kasbaday codadka Ergada qaar.

Ugu danbeyntii, doorashada Xildhibaanada ku matalaya beelaha Banaadiriga ayaa ka socota magaalada muqdisho, waxaaan ilaa hada la doortay sadex Xildhibaan oo kamid noqonaya xubnaha Aqalka Hoose ku matalaya beelaha Banaadiriga.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!