Jidadka magaalada Muqdisho oo loo xiray xuska 12 Abriil

by admin | Sunday, Apr 12, 2015

Muqdisho : HN :–Inta badan jidadka muhiim u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo ciidamada dowladda ay dadka iyo gaadiidka u diideen jidad badan oo magaalada ku yaal, xilli saaka dadka u kalahayeen goobahooda shaqo.

Siddoo kale ardeyda ayaa ka mid ahaa dad xayirmay, waxaana jira iskuulo iyo jaamacado qaar oo loo fasaxay xirnaanshaha wadooyinkana, markii ay adkaatay in ardayda iyo macalimiintaba ay wadooyinka soo mari waayaan.

Ciidammo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay wadada Maka Al-Mukarama, qeyb ka mid ah wadada Wadnaha, jidka Sodonka iyoWadada-KM4 Warshadaha oo gebi ahaanba aanay dadka xataa ka ag dhowaana karin.

Munaasabad loogu dabaal degayo sanad guurada 55aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidanka xooga dalka ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana la filayaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Ciidamada xooga dalka ayaa lagu wadaa in munaasabadan ku soo bandhigaan dhoolatus iyo gaada-ka ciyaar, iyadoo amniga uu yahay mid si weyn loo adkeeyay, waxaana munaasabadan saameynteeda laga dareemay guud ahaan magaalada Muqdisho iyo wadooyinka laga soo galo.

Wadooyinka magaalada qaarkood ayaa sababo amni awgeed loo xiraa marka ay xafladi dhaceyso, madax dhoofeyso ama madax soo dageyso, si aanay u dhicin qaraxyo ama weeraro kale oo lala bartilmaameedsado, inta badana saameynta ugu badan waxaa ay ku yeelataa dadka shacabka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!